westgate kooxdaLondon(Araweelo News Network) Warbixin laga soo ururiyay Maxkamaddaha dalka Britain iyo Hay’addaha amaanka ayaa lagu oggaaday tirada dadka haysta dhalashada dalka Britain ee

 

Somalia u tegey inay ka barbar dagaalamaan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood ku dhinteen weeraro lala beegsaday.
Idaacada BBC ayaa heshay magacyada ku dhawaad 50 qof oo ka tagay dalka Britain oo xiriir la leh al-Shabaab iyo ururada xagjirka ah.

Inta badan dadka ku jira liiskan waxa ay u safreen Soomaaliya si ay uga barbar dagaallamaan A;-shabaab ama ay isku dayeen sidaasi inay sameeyaan.

Al-Shabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya, ayaa sheegatay inay masuul ka ahayd weerarkii Westgate ee dalka Kenya.

Qareenada qoyska mid ka mid ah dadka British-ka ah ee al-Shabaab ay qorteen oo la ogyahay inuu ku dhintay Soomaaliya, ayaa hadda baadhaya sida uu u dhintay.

47 magac oo BBC ay isku duwday ayaa waxa laga soo ururiyay maxkamadaha UK iyo dibedda iyo weliba cilmi-baadhis xog-ogaal ahg.

Magacyadu ma ahan dhammaan liiska dadka ka tagay UK ee looga shakiyay inay gobolka u tageen si ay ugu dagaallamaan.

Cilmi-baadhista lagu sameeyay waxay sheegtay in ugu yaraan 32 ka mid ah dadkaa la aaminsan yahay inay u baxeen sidii ay uga barar dagaalamilahaayeen Al-shabaab.

Toddobo kale ayaa lagu sheegay maxkamaddaha UK in ay isku dayeen inay galaan Soomaaliya, laakiin qorshahoodi markii la ogaaday laga hor istaagay.

Qaar kale waxaa lagu eedeeyay, ama lagu helay inay lacag u uruurinayeen al-Shabaab, ama ay fududeynayeen safarada kuwa kale.

Inta badan shaqsiyaadkaasi waxa ay ku dambeeyeen lama oga – laakiin waxa warbixinta lagu sheegay in inta la hubo Afar ka mid ahaa raggaa ay ku dhinteen.

Afartaa waxaa ku jira Tufail Axmed, oo ahaa Bangladeshi asalkiisa, oo ku soo koray xaafadda Stepney Green ee bariga magaalada London.

BBC waxay oggaatay in booliiska iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda ay ku khabaar geliyeen qoyskiisa inuu ku dhintay Soomaaliya bishii November 2012.
Qoyska ayaa waxay ka dalbadeen hey’adda samafalka ee Reprieve in baadhitaan lagu sameey wararka sheegaya in militeri reer Galbeed ay ku lug lahaayeen dilkiisa.
Muuqaal video ah, oo Al-Shabaab ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Tufail uu ku dhintay weerar ay qaadeen ciidamo Mareykan iyo British ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee UK ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho.
Mas’uul sare oo ka tirsan nabadsugidda Norway ayaa sheegay in dowladdisu isku dayday inay qanciso mid ka mid ah ragga looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii Westgate ee Nairobi.

Madaxa howlaha ammaanka ee boliiska Norway, Marie Benedicte, ayaa sheegtay inay la kulmeen Xasan Cabdi Dhuxulow dhowr jeer.
Waxay isku dayeen inay ka soo leexiyaan fikirka ah inuu ku biira kooxaha Jihaad doonka ah.
Dhuxulow oo 23 sano jir ah, iyo rag kale ayaa loogu shakisan yahay inay gaysteen weerar afar maalmood socday oo lagu qaaday xarunta ganacsi ee Wetsgate ee Nairobi.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 67 ruux, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 175 qof, iyadoo raq iyo ruux la waayay tiro lagu qiyaasay ku dhowaad 70 qof.

Ninka lagu magcaabo Dhuxulow ayaa ka tegey dalka Norway saddex sano ka hor. Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday Westgate.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay weli waddo baadhitaannada la xidhiidha weerakaa oo hada laga joogo bil iyo dheeraad, mana jiraan ilaa hada wax cadaymo ah oo muujinaya in la hayo tirade rasmiga ah ee dadkii fuliyay weerarkaa iyo kuwa ay ahaayeen.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *