BiixiHargeysa(Araweelo News Network)Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland  ayaa sharaxaad ka bixisay safar uu Wasiirka Arrimaha debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo

 

maalmahan ku sugnaa xarunta dalka Ethiopia ugu baxay dalka Masar.

Wasiir Biixi oo ay safarkiisa ku weheliso haweenayda wasaaradda waxbarashada Somaliland Samzam Cabdi Aadan, waxa lagu macneeyay in ujeedadiisu tahay sidii xukuumadda Somaliland ay diirada u saarki lahayd in ay wax wada qabsi iyo iskaashi la yeelato jaamacada carabta.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed caawa ka soo baxay wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland  oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradaasi Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), war saxaafadeedkaa ayaa u qornaa  sidan:-

“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somalilland Mudane: Maxamed Biixi Yoonis oo ay ku weheliyaan wasiirada waxbarshada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda siyaasadda ee wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa maanta oo ay bishu tahay 24/10/2013 safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Qaahira ee xarunt dalka Masar, safarkan waxa uu ku yimi casuum rasmi ah oo ka timi Wasiirka khaarajiga dalka Masar.

Weftigu waxa ku sugnaan doonaa dalka masar muddo 5 maalmood ah oo ay kulamo kala duwan la yeelaan doonaan Wasiirrada khaarajiga iyo waxbarashada ee dalka masar, taasoo lagaga hadli doono xoojinta cilaaqaada labada dal ee somaliland iyo masar iyo siddii dalka masar inooga caawin lahaa xaga waxbarasha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka Masar siiyo Somaliland, iyo sidii maalgashi dalka masar uga sameyn lahaa dalka Somaliland.

Dhanka kalena weftigu waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha uga sareysa jamacadda carabta oo lagaga hadli doono sidii Somaliland iyo jaamacada carabtu xidhiidh iyo iskaashi u yeelan lahaayeen. Safarkan waa safarkii ugu horeeyay ee wasiirka khaarajiga Somaliland ku tago dalka masar intaa uu xilka la wareega bilo ka hor” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *