Nairobi(Araweelo News Network) Warbaahinta Dalka Kenya ayaa soo bandhigtay fadeexado ka dhashay weerarkii Al-shabaab sheegatay ee Sabtidii 21 Sep koox hubaysani ku qaadeen dhismaha weyn ee Westagate Mall , kaas oo
sababay dhimashada 68 qof iyo dhaawaca 175 qof, iyadoo weli la layahay ku dhowaad todobaatan qof oo la rumaysanayahay inay ku jiraan burburka dhimahaa.
Telefishan lagu magcaabo Kenyan Citizen TV ayaa su’aalo badan hordhigay Dowladda Kenya, waxayna xaqiijiyeen in uu jiray kinal weyn (Tunnel) oo 100 mtr ah ama biyo mareen ku yaala dhismaha, kaas oo Biyaha Wasakhda ah loo qorsheeyay in ay maraan, waxaana soo baxay warar sheegaya in kooxda weerarka fulisay dhismaha ka baxeen iyagoo bed qaba. Kadib markii ay dab qabadsiiyeen Habaynimadii Talaadada dhismahaa.
Muuqaal Veido ah oo lagu soo bandhigay warbixin ka hadlay sida wax u dhaceen ka daawo halkan Riix
arraweelo.com@gmail.com