team six navyLondon(Arraweelo News) Warbaahinta dalka Britain ayaa shaacisay  ujeedada ciidamada sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanku ka fuliyeen Magaalada Baraawe oo xarun u ah

 

dagaalyahanka Al-shabaab oo qiyaastii 180km dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Muqdisho.
Ssidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Britain door ku lahaayeen hawlgalkaa oo guuldaraystay, Wargeyska The Mirror oo kamid ah kuwa ugu caansan  wadanka Ingriiska ayaa sheegay in Mareykanku aanuu kali ku ahayn weerarkaas oo sida wargeysku sheegay uu ahaa mid sirdoonka Britain qeyb ku lahaayeen, wuxuuna Wargeyska The Mirror oo soo xiganaya macluumaad iyo xoggo dhinaca wardoonka ah oo sida uu sheegay ka helay  xubno ka tirsan hey`adda MI6 ay kaalin weyn ka qaateen.

Wargeyskyu waxa uu sheegay in hey`adda loo soo gaabiyo GCHQ oo kamid ah kuwa mukhaabaraadku gacan ku siiyeen Mareykanka in ay dhegeystaan telefoonnada dadka la raadsanayo, kuwaas oo la doonayo in la ogaado goobta ay ku suganyihiin. Sidaa awgeed Wargeyska Mirror waxa uu sheegay  macluumaad badan laga helay xidhiidh dhinaca isgaarsiinta ah oo dhexmaray dad la raadinayay oo Telefoonadooda la dhegeystay , kuwaas sida xoggahaa lagu ogaaday ku sugan Mandaqada.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Maraykanka ee haelgalkaa fuliyay ajaayeen kuwa  Gaarka ah ee Mareykanka  ee loo yaqaan cutubka Lixaad ee Ciidmadamada Badda ee Hareeraynta (Navy SEAL Team sex)oo ah sida The Mirror sheegay ahaa kooxdii ku guulaysatay  hawlgalkii lagu khaarajiyay Hogaamiyihii Al-Qaida  Sh Osama sanadkii 2011, kuwaas oo la rumaysann yahay in howlgalkoodu si rasmi ah ugu waajahnaa Hogaamiyaha  Al- shabaab  Mukhtaar C/raxmaan Abu Zubeyr oo maalmo ka hor wararka qaar sheegayaan inuu ku sugnaa Baraawe.

Sidoo kale wargeyska The Mirror waxa uu  sheegay in ciidanka Mareykanka ay diyaar u ahaayeen inay duqeeyaan magaalada haddii howlgalka ay ku jaahwareeraan, ama ay askartoodu go`doomaan, isla markaana  waxa uu sheegay in maraakiib gujis ah ay taagnaayeen meel aan ka fogeyn xeebta si ay u duqeeyaan hadii xaaladu ku xumaato.

Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku guuldareysatay iskudayo dhowr ah oo ay ku doonaysay in ay ku beegsato hoggaamiyaal katirsan xarakada  Al-shabaab  Wasiirka difaaca Mareykanka Chack Higal ayaa saraakiisha ciidanka Mareykanka u sheegay in ladagaalanka waxa loogu yeedho Argagaxisada uu yahay mid qeyb ka ah sugidda ammaanka qaranka Mareykanka.

Mareykanku waxay xaqiijiyeen in uu fashil kusoo dhamaaday weerar sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baraawe  ee Koonfurta dalka Soomaaliya kadib markii ciidankaAl-shabaab ay si adag isaga difaaceen ciidankii weerarka kusoo qaaday.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baali ee dalka Indonesia ayaa qiray howlgalkii ay Soomaaliya ka fuliyeen uu ku dhamaaday  guul darro wuxuuna walaac ka muujiyay halista soo wajahaysa ciidanka Mareykanka ee howlgaladaasi fulinaya, kuwaas oo kadib hawlgalkii Osama lagu khaarajiyay cutub ka tirsan kooxdii weerarka fulisay diyaarad ay saarnaayeen August 2011 dagaalyahanka Daalibaan la beegsadeen gantaal sidaana ay ku burburtay diyaarada iyo kooxdii saarnayd oo dhamaantood ka tirsnaa cutubka hareeraynta ee lixaad oo lagu tilmaamo kuwo ugu tababar badan ciidamada Maraykanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *