breakingnews1Burco(Araweelo News Network) Mudaharaad ay weheliyaan rabshado ayaa goor dhowayd ka dhacay magaalada xarunta u ah gobolka Toghdeer ee Burco, kaas aan si dhab ah loo ogayn ujeedadiisa.

 

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dad cadhaysani si lama filaan ah isugu soo baxeen mudaharaad saaka barqadii, iyadoo ay ciidamada amaanka iyo masuuliyiinta gobolku isku deyayaan in ay dejiyaan xaalada.

Hase yeeshee wararkii ugu danbeeyay ee Mudaharaadka ayaa sheegaya in uu socday saacado kooban, isla markaana uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana ku dhintay hal qof oo shicib ah, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen laba qof oo midood ka tirsanyahay ciidanka Booliska.

Dadka mudaharaaday ayaa dhibaatooyin u geystay gaadiid, isla markaana meheradaha qaarkood u geystay boob iyo waxyeelo kale, balse ciidamada Booliska ayaa ku guulaystay inay kala dareeriyaan dadkaa oo taayiro ku gubay wadoonka qaarood, kuwa kalena dhagxaan tuulay.

Mudaharaadayaasha ayaa  ka cadhooday bedelaad lagu sameeyay Taliyaha Booliska gobolka, kaas oo qayb ka ahaa isku shaandhayn taliyayaasha ciidamada Booliska ah oo aan ku koobnayn oo keliya Magaalada Burco iyo xarunta gobolka Togdheer.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *