Nairobi(ANN)Beesha Caalamka ayaa wer wer ka muujinay natiijada hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya oo aan weli lagu guulaysan in la helo dhamaan tirada codadka guud ee doorashada ka dhacday dalkaa shalay ee Madaxtooyada oo ay ku tartamayaan

 

sideed musharax hogaanka dalka, isla markaana doorashada ayaa ah mid ay ku jiraan Wakiiladda Baarlamaanka, golaha Odayaasha, gudoomiyayaasha 47 gobol oo dalku ka kooban yahay iyo kuraasta Haweenka loo qoondeeyay.

Rabshado goo goos ah iyo dhawr qarax oo sababay ku dhowaad labaataneeyo qof ayaa dhacay mudadii ay socotay cod bixintu, waxaana sii kordhayay walaaca laga qabo doorashadaa, iyadoo si weyn loo xusuusan yahay doorashadii madaxtinimada ee 2007 oo ay ku dhinteen rabshadihii ka dhacay in ka badan  1,000, taas oo keentay in maxkamadda denbiyada dagaalka looga yeedho siyaasaiyiin iyo shaqsiyaad kale oo loo haysto khasaaraha ka dhashay natiijada doorashadii 2007.

Hase yeeshee doorashada waqtigan ee Kenya oo si weyn beesha caalamka iyo Haya”ddaha caalamiga ee xuquuqda aadamaha iyo kuwa daneeya arrimaha geedi socodka dumuqradiyada indhaha ugu hayaan, isla markaana ay jiraan wakiilo ka socda oo goob joogayaal ah ayaa la filayay in natiijadeeda hore loo soo saaro, balse natiijada hordhaca ah ee ilaa hada la hayo ayaa muujisay inay labada Siyaasi ee Raysal wasaare Odinga iyo ku xigeenkiisa siyaasiga Uhuro Kinyaata si weyn isugu dhow yihiin, kuwaas oo natiijada la hayo ee hordhaca ahi muujisay inay si weyn isugu dhow yihiin.

 

Natiijada ilaa hada lahayo sadex meelood oo laba meelood codadkii la tiriyay ayaa muujisay in musharaxa Uhuru Kenyatta ku hogaaminayo doorashada 54%, halka Ninka tartanka weyni ka dhexeeyo ee Raila Odinga uu haysto 42%.taas oo ah 70% dadkii codkooda dhiibtay oo lagu qiyaasay 14.3 milyan, balse waxa weli aan la hayn meelo Odinga ku leeyahay awood oo ay ka mid yihiin deegaamada dhinaca galbeedka ee Kisumu iyo meelo kale.

Dhinaca kale qalabka ay isticmaalayaan komishanka doorashooyinka ayaa sabab looga dhigay in meelo badan oo ka mid ah dalka aan la hayn weli natiijada dadkii ka codeeyay iyo sida ay musharixiintu u kala heleen, taas oo abuurtay shaki iyo walaac lag qabo natiijada doorashadaa, isla markaana xaalada cabsida laga qabo doorashada ayaa saamayn ku yeelatay dhaqaalaha dalka Kenya iyo amaanka iyadoo qiimaha dollarka uu kor u kacay labadii maalmood ee u danbeeyay.

 

Siyaasiga Odinga ayaa ku tilmaamay dib u dhacaa mid wer wer iyo cabsi ku haya, maadaama ay weli laalantahay natiijadii doorashada goobaha qaar oo mad madaw badan uu soo baxay. kadib markii la ogaaday in ku dhowaan dhawr boqol oo warqaaha codbixinta ah aan la marin wadadii sharciga iyo nidaamkii cod bixinta. sidoo kalena natiijada raagtay ayaa la rumaysan yahay inay abuurtay dareen musuq maasuq iyo wax is daba marin ah. kadib marii dib u dhac ku yimi 48 saacadood waqtigii komishanku hore u sheegeen inay ku dhawaaqayaan natiijada.

Dhinaca kale Natiijada hordhaca ah ee uu hogaaminayo Uhuro Kinyaata ayaa walaac gaar ah ku abuuratay qaar badan oo ka mid ah beesha caalamka, iyadoo ay arrintaa si gaar ah uga wer wersan tahay Maxkamadda denbiyada Dagaalka oo ka walaacsan in Uhuro Kinyaata ku guulaysto doorashadaa, maadaama hore dacwad ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo lagula xidhiidhiyay xasuuq u taalo maxkamadda, waxaana la rumaysan yahay inay hada muuqato in ay wadamada reer galbeedku faragelin ku sameeyaan natiijada doorashada si wax looga bedelo, taas oo suurta gal ka dhigaysa in natiijada danbe loogu dhawaaqo Odinga oo ah Ninka tartanka ugu weyni dhexmarayo Uhuro Kinyaata, balse waxaynu eegaynaa saacadaha soo socda iyo sida ay wax isu bedelaan.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *