-
Published On: Tue, Mar 5th, 2013

Gudoomiyihii Ololaha Ee Xisbigii Burburay Ee UDUB Oo Si Kulul Ugu Dhaleeceeyay Guddiga Arrimaha Dhulka ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa, Kana Hadlay Xalaadda Dalka Iyo Axsaabta Siyaasadda,Loolanka Kulmiye Iyo Arrimo Kale

Smiley face
Share This
Tags

 

 

Hargeysa (ANN) Guddoomiyihii ololaha xisbigii burburay ee UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa si kulul u dhalliilay guddida ka-garnaqa arrimaha dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay yihiin xubno musuqmaasuq iyo laaluush aafeeyey.

 

Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay waraysi siiyay wargeyska  Jamhuuriya , wuxuuna waraysigaa  ku tilmaamay in tartanka ka dhex aloosan xisbiga KULMIYE yahay mid ku salaysan hannaanka dimuqraadiyada, isla markaana aan wax saamayn ah ku yeelan karin habsami-u-socodka xisbiga tallada haya, isagoo dhinaca kalena sheegay in aanu dalka ka jirin nidaam mucaarid ah oo si daacad ah xukuumadda ugu soo bandhiga dhalliilaha jira, waxaannu UCID iyo WADDANI ku sifeeyey inay yihiin xisbiyo muxaafid ah.

Cismaan Hindi oo ka jawaabay su’aal ahayd aragtidiisa la xidhiidha hadal ka soo yeedhay Cali Maxamed Warran-cadde oo sheegay in KULMIYE ku socdo burburkii UDUB, waxa uu yidhi; “Anigu KULMIYE iyo UDUB labadaba waan ku jiray oo raggii ugu waaweynaa ee KULMIYE wax ka soo dhisay, guddigiisa fulinta ku jiray ayaan ka mid ahaa, qaab-dhismeedka KULMIYE u dhisan yahay wuu ka duwan yahay qaab-dhismeedkii UDUB u dhisnaa oo sidaad ogtihiin xisbiga KULMIYE waxa la kala saaray hoggaankiisa oo ahaa guddoomiyaha xisbiga iyo murrashax,  taasina wax ugub ah may ahayn.

Xisbigii UDUB, laakiin arrintaas wuu ka duwanaa oo guddoomiyihiisa iyo murrashaxiisu isku mid bay ahaayeen, fursadna umay helin in musharraxa madaxweyne iyo guddoomiyaha la kala saaro, markaas qaab-dhismeedka labada xisbi way kala duwanaayeen, ragga ku jiray KULMIYE iyo UDUBna way kala duwanaayeen oo xagga waayo-aragnimada ayey ku fiicnaayeen, aragtiyo kala gooniyana way lahaayeen, laakiin mushkiladu waxay tahay xisbigii UDUB waxa burburiyey markii xukuumaddii gacanta ku haysay meesha ka baxday ee aannu xisbi ahaan uun isugu soo hadhnay, hanti maannu lahayn, dhaqaale gacanta noogu jiray ma jirin, waayo markii hore waxaannu huwanayn shaadhkii dawladda, KULMIYE-na waxaannu u burburayn wuxuu gashan yahay shaadhkii dawladda oo awooddii xukuumadda ayaa jirta oo ilaalinaysa had iyo jeer in KULMIYE ahaado mid jira, waayo UDUB  muu burburin markay xukuumadda haysatay ee wuxuu burburay markii xukuumaddu meesha ka baxday.

Xisbiga KULMIYE way is-qabanayaan, horena way isku qabteen oo waxaan oggaa iyagoo mucaarid ah oo aad isku haysta, laakiin dimuqraadiyadda ayaa had iyo jeer jidaynaysa in la tartamo oo golaha dhexe, guddomiyaha iyo murrashaxnimadaba lagu tartamo, dimuqraadiyadduna had iyo jeer way iska leedahay dhibaatooyinka is-qabqabsiga, waxaanan aaminsanahay in aannu xisbiga KULMIYE burburayn oo uu dhabihii dimuqraadiyada ee uu hore u soo maray maantana marayo.”

Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo la waydiiyey saamaynta ka dhalan karta loollanka siyaasadeed ee hadda ka dhex socda xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo saamaynta ay arrintaasi xisbiga ku yeelan karto waxa uu yidhi; “Loollankaasi wax saamayn ah xisbiga kuma keeni karo, waxaanan leeyahay waa caafimaad in xisbiga gudahiisa lagu tartamo, waayo distoorka qaranka iyo xeerka xisbiguba wuxuu qeexaya in nin kasta oo muwaadin ah reer Somaliland ah oo KULMIYE ka tirsan la dooran karo, waxna uu dooran karo. Markaa ragga KULMIYE ku jira ee maanta tartamaya nin walba xaq buu u leeyahay, nin walbana wuu gaya inuu tartamo oo la doorto, sidaasina waa arrin caafimaad qabta, waxaana ka xun inagoo had iyo jeer nin qudha uun u cummaamadna oo lala tartami waayo, marka waxaan aaminsanahay in xisbigha KULMIYE ay ku kala bixi karaan ragga u tartamaya golaha dhexe codkooda.”

Guddoomiyihii Ololaha ee xisbigii burburay ee UDUB oo la waydiiyey aragtidiisa la xidhiidha saddexda xisbi qaran ee soo baxay iyo waxa qorshihiisa siyaasadeed ee xilligan yahay waxa uu ku jawaabay; “Saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira midi waa xukuumi oo waa KULMIYE, labada kale ee soo baxay ee UCID iyo WADDANI uma arkaayo inay yihiin xisbiyo mucaarid ah, waxaanan u arkaya inay yihiin xisbiyo muxaafid ah, mana arkaayo inuu dalka xisbi mucaarid ahi ka jiro, waxaanan arkaya in golayaashii qaranka hadday tahay Guurtidii, hadday tahay Wakiilladii iyo hadday tahay golayaasha kaleba ay dhammaantood wada muxaafid yihiin, wax mucaarid ahna maanta dalka kama jiro, taasina xannuun ayey leedahay, waayo had iyo jeer waxa xukuumadda u dan ah inuu mucaarid jiro oo dhaliil walba u sheega oo wixii khaldan ka qabta, wixii saxsana ku taageera.

Haddaba, si aanay xukuumadda hadda jirta xadhigga u goosan waa in mucaarid jira, labada xisbi ee UCID iyo WADDANI u arkaayo inay mucaarid yihiin, mucaaridnimadana uma jeeddo mindi-mindi ku taag ee waxaan u jeeddaa in mucaaridnimadu noqota mid wax dhisaysa oo aan wax duminayn, mana aha mucaaridnimadu in la iska caytamo oo dhaliil aan jirin la iska sheego, laakiin dhaliilaha jira ee muuqda waa in mucaaridku sheego si xukuumaddu u saxdo oo wax uga qabato, aniguna saddexda xisbi midna kama tirsani ee waxaan iska ahay nin muwaadin ah oo siyaasi ah oo madaxbannaan. Waxa aanan leeyahay mala maanta mucaaridnimadu waxay ku hadhay aniga kaliygay, mucaaridnimadayduna waa mid ku dhisan wax dhisid iyo wax sixid.

Waxa aan leeyahay haddii ay jirto koox kubbadda ciyaarta oo aanay jirin koox kale oo la ciyaarta cid daawanaysa iyo cid xiisaynaysa jiri mayso, marka xukuumadda maanta jirta haddii ay mucaarid yeelan waydo wax badan baa khaldamaya, waayo madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal si siyaasaddu ugu macanaato oo ciyaartu ugu fiicnaato wuxuu samaysan jiray mucaaridad, isaga dhaliila oo wax ka sheega.

Madaxweynaha hadda talada haya ee Siilaanyo waxaan leeyahay mucaarid samayso si siyaasadda Somaliland u qurux badnaato, marka horena waan ku hambalyeynaya inuu golayaashii dalka oo dhan ka dhigay wada muxaafid oo siyaasadiisa rug-caddanimo, raggii aannu saaxiibadda ahayn oo dhana wuu wada mustafeeyey, waana waayo-aragnimo siyaasadeed oo uu dadka dheer yahay,  laakiin waxaan leeyahay Madaxweyne kuu dan maaha mucaarid la’aantu, dan uma aha dalka iyo dadka, waxaana qurux badan inuu jiro mucaarid wixii qaloocan sheega si loo toosiyo.”

Waxa kaloo Cismaan Cabdillaahi Cigaal tilmaamay in Somaliland ay dunida caan kaga tahay, isla markaana magac ku heshay nabadgelyada iyo xasiloonida ay haysato, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaqyadii ka soo yeedhay dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee lagu dhaliilay ammaanka Somaliland

“Aad iyo aad baan u hambalyeyna oo u soo dhawaynaya Golayaasha Degaanka cusub, waxaanad mooda in rag badan oo dhallinyaro oo aqoonyahan ah ku jiraan golayaasha degaanka. Tusaale ahaan, Hargeysa oo kale dad badan oo aqoon leh ayaa ku jira golaheeda degaanka cid aan ka dhaliilayaana ma jirto, laakiin nasiib-darro waxaan leeyahay dhul-boobkii hore u jiray  yaan maanta la arkin inuu sii socdo, waa inaad wax ka qabataan, u guntada magaalooyinkiina iyo caasimaddiina.

Waxa jira oo nasiib-darro ah oo xannuun ah guddi la yidhaahdo Guddida Garnaqsiga Dhulka ee caasimadda Hargeysa, guddigaasi kama jiro meel kale oo aan Hargeysa ahayn, waa guddi ku caan-baxay musuqmaasuq, laaluush iyo aqoon-darro, waa guddi u horseedaya oo kow ka ah nabadgelyada xumida ka timaada murannada dhulka, waa guddi ragga ka shaqeeya ee laga soo doorto Wasaaradaha aanay aqoon u lahayn garsoorka, waa guddi hore la isugu qabtay oo hay’adaha garsoorku diideen inay ka noqdaan xubin, waayo distoorka qaranka Somaliland ayuu ka hor imanayaa, meel wax lagu xukumo waa maxkamad oo qudha, marka ragga ku jira guddiga ka garnaqista arrimaha dhulku ee Dawladda Hoose ee Hargeysa waa rag calooshooda-u-shaqaystayaal ah oo laaluush iyo musuqmaasuq ku caan-baxay.

Waxa kale oo jirta guddida ka-garnaqa arrimaha dhulku waxay ku fadhiyaan muddo-dhaaf, ta kale sida ku cad xeerka guddidaasi ku shaqayso, kuma dhisna nidaam xeerka waafaqsan oo waxa guddidaas guddoomiye ka ah xubin ka socota wasaarada hawlaha guud oo guddidaas xoghayn ka noqon lahay, halka ay ahayd in garsoore wasaarada caddaallada ka socdaa uu guddoomiye ka noqon lahaa, waxa kale oo jirta in ragga guddida ku jira ay qaarkood muddo dheer ka soo shaqaynayeen dawladda hoose, waxaana dhacday in faylal ay hore u saxeexeen xilligii ay dawladda hoose ka tirsanaayeen ay haddana imika dib u saxeexayaan.

Waxa aan dawladda dhexe, dawladda hoose iyo garsoorkaba leeyahay wax ha laga qabto xubnaha ku jira guddigaas, waxa aannu u haynaa caddaymo badan oo muujinaaya inay yihiin laaluush-qaatayaal oo ay dadka iska horkeenan, nabadgelyadana u darran yihiin,” ayuu yidhi Cismaan Hindi oo ka jawaabaayey su’aal ahayd aragtida la xidhiidha golayaasha degaanka ee cusub iyo siday wax uga qaban karaan khilafaadka dhulka.

Waxa kale oo Cismaan Hindi la waydiiyey su’aal ahayd ‘Guddidan ka-garnaqa dhulka ee aad dhaliilaha u jeedisay, dad badan baa aaminsan inay hawlo wax tar leh qabtaan, culays badan oo maxkamadaha fuuli lahaana ka dulqaadeen, arrintaasi miyaanay mid sax ah ahayn?’, waxaannu ku jawaabay; “Qaab-dhismeedka guddigu waxa uu ku qoran yahay xeerka maamulka dhulka ee Barlamaanka Somaliland, taasina maaha ta aan ka hadlaayo, laakiin waxaan ka hadlaya xubnaha ku jira guddiga oo aan ahayn kuwii ku habboonaa in ay hawl caynkaas ah qabtaan, guddiduna waa guddi fiican oo haddii la qurxiyo oo rag aqoon leh la geeyo wax badan ka qaban kara khilafaadka dhulka. Anigu waxaan ka hadlaya oo aan dhaliilaya ragga ku jira guddida oo musuqmaasuq iyo laaluush ku caan-baxay, aqoona lahayn, caddaaladda meelna aan ka soo gelin.” ayuu yidhi Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi).

Xiggasho Wargeyska Jamhuuriya

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>