London(ANN)Warar xog ogaal ah oo ay heshay BBC ayaa sheegaya inay meel geba -geba ah mareyso qaban qaabada shir ay fool-ka-fool isu soo hor fadhiistaan ergooyin ka socda dowladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo xukuumadda Somaliland.

 

Yusuf-Garaad oo BBC ka tirsan ayaa warbixintan nooga diyaariyey.
Wadahdalkani wuxuu daba joogaa shirkii London bishii Feberuary looga hadlay Somaliya oo madaxdii caalamka ee ka soo qeyb gashay ay ku dhiirri gelisay Somalia iyo Somaliland inay wada hadlaan.
Somaliland ayaa ku horreysay oo shan Wasiir u xil saartay inay xaggeeda ka soo saftaan. Laakiin markii dambe Somaliland waxay ka biyo diidday ergada usoo safatay inay matalaan Somalia. Waxay ka koobnayd shan Wasiir oo ka tirsan dowladda Dhexe iyo laba Wasiir oo ka tirsan dowladda Puntland , ahna siyaasiyiin degaan ahaan ka soo jeeda gobollada bari ee Somaliland.
Wadahadalka hadda dhex mari doona Somaliya iyo Somliland,  waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco dalkan Britain,  bishan June gudaheeda. Ilo diblomasi oo xog ogaal ahi waxay sheegayaan in la filayo in Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Silaanyo aanay ka qeyb geli doonin wadahadalkan oo lagu wado toban cisho gudahood inuu ku qabsoomo.

Somaliland maxay dooneysaa?
Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland sannadii 1991, waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee ay Somaliland wadahadal toos ah la yeelato Somalia. Waxaa la is weydiin karaa Somaliland maxay wadahadalkan ka dooneysaa inay ku gaadho?
Somaliland waxay shirka ka daneyneysaa laba faa’iido.
Uma badna inay la seegi doonto inay isku daydo inay ergada dowladda Soomaaliya ku qanciso inay dowladdoodu aqoonsato Somaliland. Taas oo beesha caalamkuna ay ku xigi lahayd.
Marka la eego  sharciyadda dowladda ku meel gaadhka ah iyo weliba xilligeedii oo ay laba bilood ka hadhay,  uma muuqato inay aqoonsi u meel marin karto Somaliland.
Laakiin Somaliland kulankan waxay ka rajeyneysaa inuu billow u noqdo wadiiqo laga yaabo inay aqoonsi uga hesho Somalia,  marka laga gudbo xilliga ku meel gaadhka ah bisha August ee 2012. Waxaa kale oo Somaliland ay shirka ka heleysaa inay muujiso biseylkeeda ah in ay dooneyso xal lagu gaadhay wadahadal. Taas waxay beesha caalamka uga heleysaa ugu yaraan qaddarin, waxaana dhici karta in xataa taageero ay uga hesho.
Si kastaba ha ahaatee, shirku wuxuu labada dhinac u tari karaa inay helaan hab ay isaga kaashadaan xogta la xidhiidha ammaanka.
Warbixintaa waxa diyaariyay Yuusuf Garad Omar oo ka tirsan BBc-da

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *