Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa magacowday gudida dhinaceeda  uga qaybgelya shirka gogol xaadhka u ah wada hadalka Somaliland iyo Somalia ee la filayo inuu qabsoomo maalamaha soo socda. Xukuumadda Somaliland waxay


daboolka ka qaaday in wada hadalka labada dal yeelan doonaan ay ku salaysnaan doonaan  sidii la isugu ducayn lahaa, balse aanay waxba iska bedelin Karin go’aankii iyo iraadaddii shacbiga, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Af-hayeenka xukuumadda Somaliland, isla markaana ah Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe).
Qoraalka uu sooray  Afhayeenka xukuumadda Somaliland oo sharaxaad ka bixiyana ujeedada wada hadalada, ayaa dhignaa sidan:-
“Todobaadkan oo kaliya tiraba laba jeer ayuu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda TFG-du ka hadlay wada hadaladda dhex mari doonaSomaliland iyo Soomaaliya, Isagoo mar walba hoosta ka xariiqayay In kullamaddasi ubucdoodu noqon doonto in dib loo midoobo. Malahayga Mudan e Cabdi-weli Maxamed Gaas, waa da;dii dambe balse waxaan xasuusinaynaa inaanay waligeed dhicin ama hirgelinba midnimo Soomaaliyeed. Haddii uu u jeedo isu tagii labadii gobo lee Soomaaliyeed ee lixdankii, dhacdadaas waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku suntadeen “ isku darkii” ama israacii.
Dadkii Soomaaliyeed ee beryahaasi xiisaha iyo bohol-yowga baas isku qabay, ergayga midnimo waxay u keydsadeen marka la xaqiijiyo midnimadii shantii gobo lee Soomaaliyeed ee xiliyadaas hilaadda iyo saadaashuba ahaayeen in meel kaliya la iskugu keeno. Waayadaa dadkii Hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliyeed hayay ayaa qeexay macnaha midnimadda Soomaaliyeed, haddii maanta dib loo macneynaayana dadkii Soomaaliyeed ee ay berigaasi khusaysay ayay u taallaa. cid la qasbi karaana ma jirto, anaguna Somaliland ahaan waanu ka sii xag-jirnaaba.
Hal-abuurkii wadaniga ahaa ee Ibraahim Gadhle sowkii lahaa:
Lixdankii dadkaygoow Maydaan dambaabine,
Markaa dawladnimadii, Shanta kala dab raacdaa
Diiqadda u bixiseen, Darmo qudha u gogosheen
Deg-degsiimo mooyeee Isku duubnideeniyo
Doqoniimo ma ahayn Daacad baad horseedeen
Taasina ciyi waa ka baryay ayay noqotay oo shantii Soomaaliyeed way kala danaysteen, anaguna inaanu danaysano oo taayadda ka tallino cid naga horjoogsan kartaa ma jirto.
Waa 21 sanadood inta ay Somaliland tahay qaran madax-banaan oo horumar lagu daydo ku tallaabsatay. Lixdankii laba gobol isma raaci karayn ee anagga ayaa danta guud xeerinaynay oo is raac aan sidkiisii go’in ama shinkiisiiba dhammaan qasab kaga dhalinay waa markii aanu lahayn “Dharaartii walaalkay loo dhisay, een hortii dhashay sow ma soo dhicin.” Maantana meel aynu iskaga darsano oo iska raacno ma joogno oo cirka iyo dhulka ayaan kala taagan nahay. Xaaladaheenuna waa kaaf iyo kala dheeri.
Halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay iyo heerarka heegadda haabanaya ee ay Somaliland ransanaysaa waa laba aan is qabanayn.
Wada tashi qaran oo balaadhan ka dib Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shirka gogol xaadhka ah ee ugu horeeya uga qeyb geli doona:-
1- Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha dibadda Guddoomiye.
2- Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda.
3- Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID.
4- Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyadda.
5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda.
Jamhuuriyadda Somaliland sidii maqal dabayl raacday dib isuma dadbi karto, go’aankii shacbiga ee ay qaadatayna waa mid aan ka noqosho lahayn oo dalqad qaran ayaa ka taal. Mid kaliya ayaanu diyaar u nahay oo iskugu iman karnaa: waa sidii aynu iskugu ducayn lahayn, samaha iyo mustaqbalkana uga wada hadli lahayn ee aynu walaalo is garabsada u noqon lahayn. Idinkuna (Soomaaliya) hiyigiina iyo hadal hayntiina wax kale oo dhanba ka saara. Waynaada oo noqda walaalihii jira. Cadowgeen ma siraato, sidaana waanu ku ducaynay.”
Dhinaca raysal wasaaraha dawladda taagata daran ee Somalia, C/weli Gaas ayaa dhinacooda sheegay maanta  inay diyaar u yihiin wada hadalkaa ay gelayaan Somaliland iyo Somalia, balse wuxuu isagoo ka hadlaya ujeedada wadahadalka ka  bixiyay tafsiir ka duwan ka ay Somaliland ka bixisay, wuxuuna ku dooday in laga wada hadlayo wuxuu ugu yeedhay sidii loo soo celin lahaa midawgii Soomaali weyn iyo sidii arrimaha ggobolka ee dhinaca amaanka iyo mandaqada looga yeelan lahaa qorshe is kaashi iyo walaalnimo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *