silanyo1

Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxame Maxamuud(Siilaanyo) ayaa xilal cusub u magcaabay laba masuul oo kusoo kordhay

 

xukuumaddiisa. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal wada socda oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha caawa.
Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2624/072014 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

MADAXWEYNUHU:-Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:   In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi-kariin Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magaabista La Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweynaha
Madaxweynuhu :- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda weyn ee ay La-taliyayaasha Madaxweynuhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Maxamed Iid Dhinbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Labada Masuul ee xilalka loo magcaaby ayaa kasoo kala jeeda Ururada Bulshada Rayidka ah iyo ganacsatada.
Cabdi-kariin Axmed Mooge oo ah Masuulka loo magaacbay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii firfircoonayd ee aasaastay Hay’adda keliya guulaystay Ururada Bulshada Rayidka ah ee loo yaqaan LNGO, taas oo laga aasaasay Somaliland sagaashanaadkii, isla markaana waqtigan u gudubtay Hay;ad ka hawlgasha heer gobo loo ka gudubtay LNGO.
Maxamed Iid Dhinbiil oo isagana loo magaacay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka mid ahaa koox ganacsato ah oo door weyn ku lahaa aasaaskii xisbiga Kulmiye dhawr iyo toban sanadood ka hor,  waxayna saaxiibo dhow yihiin Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ah xubnaha ugu cuslus xukuumadda,.
Iid Dhinbiil wuxuu mar ahaa Afhayeenka Xisbiga Kulmiye xiligii uu mucaaradka ahaa, wuxuuna sidoo kale xilal kasoo qabtay xisbiga Kulmiye, balse markii uu xisbigu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland 26 jun, 2010, wixii mudadaa ka danbeeyay laguma arag Maxamed Iid Dhinbiil saaxada siyaasada.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *