khaliif eregMogadishu(Araweelo News Network)Talihii hore ee sirdoonka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa loo magcaabay jagada wasiirka arrimaha  gudaha Somalia. Kadib markii uu xilkaa

iska casliay C/Kariim Xuseen Guuleed wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha dhawr bilood ka hor weeraro Al-shabaab sidan oo kale ka fulisay dhismayaasha Hay’addaha dawlada.
Waxaana xilalkii ay hayeen laga qaaday Cabdihakiim Saacid taliyihii Booliska Dawlada Somalia  iyo Bashiir Goobe oo ahaa taliyihii Nabad sugidda Somalia. Xilka qaadista iyo magcaabista wasiirka Arrimaha Guadaha ayaa timi kadib markii xalay ay koox Al-shabaab ah weerar ku qaaday Madaxtooyadda Villa Somalia oo saacado hayteen dhismayaal ka mid ah Madaxtooyadda.
Weerarkaa ayaa noqonaya kii labaad ee lagu qaado gudaha villa Somalia tan iyo dabayqaadii Feberury ee sanadkan oo weerar sidan oo kale ah Al-shabaab ku qaaday gudaha Madaxtooyadda Villa Somalia, sidoo  kalena weerarka ayaa noqonaya kii labaad ee todobaad gudihii lagu qaado xarumaha ugu waaweyn ee xukuumadda Federaalka Somalia.
Dagaalka Al-shabaab xalay ku qaaday Villa Somalia ayaa si weyn wax uga bedelay muuqaalkii xukuumadda Xasan Sheekh ka bixinaysay amaanka Muqdisho, iyadoo dagaal saacado qaatay ku qabsatay qaybo ka mdi ah dhsimayaasha Villa Somalia oo xalay saacado danbe ay nadiifiyeen ciidamada AMISOM. Kadibna lagu soo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal waasare Cabdiweli Sheekh oo si loo sugo amaankooda la geeyay Dugsiga Xale oo xarun u ah ciidamada AMISOM.

 

Ninka loo magcaabay waqtigan Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Khaliif Axmed Ereg oo mar ahaa taliyaha sirdoonka Banaadir,waxa xilkaa laga qaaday sanad ka hor, kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo bxi waayay xilkiisa. Khaliif Ererg wuuxu mudadii  uu ahaa Taliyaha Sirdoonka Banaadir ka badbaaday marar dhawr ah weeraro qorshaysan iyo qaraxyo la doonayay in lagu khaarajiyo, wuxuuna ka mdi ahaa saraakiisha sida weyn Al-shabaab ugu dhaartaan, balse lama ogga waxa uu kusoo kordhinkaro xiliggan amaanka magaalada Mogadishu oo faraha kasii baxaya, iyadoo Khaliif Ereg xiligii uu ahaa Taliyaha Sirdoonka Gobolka Banaadir waxba qaban kari wayaay, waxa lays weydiin karaa muxuu amaanka qaranka ka qabankaraa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *