Vladamir Putin1puntinvisitcrimea4
Crimea(Araweelo News network)Madaxwaynaha Ruush-ka Vladamir Putin ayaa khudbad qiiro leh oo xamaasadaysan u jeediyay malaayiin qof oo isugu soo baxay xeebta Crimea ee bada madaw. Kadib booqasho

 

uu ku tegey maanta halkaa.
puntinvisitcrimea4Booqashada Madaxweyne Puntin oo ah mid taariikhi ah ayaa ah tii u horaysay ee uu ku tago gobolka Crimea tan iyo markii ka go’ay dalka Ukraine ee uu hore uga tirsanaa, isla markaana Bishii March ee lasoo dhaafay ku biiray dalka Rashia.
Puntin markii khudbada ka jeedinayay Markab kuwa dagaalka ah dushiisa, waxa dulsocday diyaaradaha dagaalka ee Ruushka oo raxan raxan u duulayay hawada bada madaw, wuxuuna khudbadaiisa oo dadka qaarkood ka ilmaysiisay kaga hadlay ahmiyada taariikhdu u leedahay dunida iyo dadyoga caalamka.

putincrimea2Wuuxuna tusaale usoo qaatay taariikhda dadka Ruushku ku leeyiiin dunida iyo dagaaladii soo maray, isagoo si gaar ah u xusay dagaalkii labaad ee aduunka iyo sidii loo jebiyay Nazigii Germeny.
Booqashada Puntin ayaa kusoo beegantay iyadoo xaalada dalka Ukraine sii xumaanay, isla markaana laga cabsiqabo in dagaalkii sadexaad ee dunidu ka dhaco halkaa.
Dalalka ku jira naadiga midawga Yurub oo xulufo la ah Maraykanka ayaa sii wada canbaaraynta ay dalka Rashia ku putincrimea3canbaaraynayaan xaalada kacsan ee gobolka, waxaana jira diyaargaraw dagaal, iyadoo Maraykanku saldhiga uu ku leeyahay dalka Poland ciidamada ka jooga heegan geliyay saacadihii lasoo dhaafay. Sidoo kale dalalka midawga Yurub ayaa qorshaynaya in ay ciidamo geeyaan  gobolka, waxaana laga cabsiqabaa in xaaladu faraha ka baxdo.
Halkan ka Daawo booqashada Putin oo saaran Markab Dagaal Riix

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *