Gaboobe1Hargeysa(Araweelo News Network) Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa xabsiga u taxaabay gudoomiyaha Wargesyka hore loo xayiray ee

 

Haatuf Yuusuf  Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha Wargeyska Axmed Cali Cigg.kadib markii Ciidamada Boolisku ka qabteen  saaka Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ay  ka bilaabantay dhegeysiga dacwada loo  haysto Wargeyska.

Garsooraha Maxkamadda ayaa amar ku bixyay in masuuliyiinta Haatuf loo diro todoba maalmood oo rumaan ah, waxayna markaa ka dib Boolisku u kaxeeyeen dhinaca xabsiga Hargeysa.

Dhegeysiga Dacwada waxa ka qaybgalay Wasiiradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Macdanta Eng. Xuseen Cabdi ducaale, kuwaas oo kiiska dacwada ka ahaa dhibanayaal.

Qaar ka mid ah dadka dhegeysanayay dacwada ayaa sheegay in buuq ka bilaabmay hoolka lagu qaadayay dacwada ka hor intii aanu garsooruhu amar ku bixin in masuuliyiinta Wargeyska Haatuf loo diro xabsi rumaan ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *