Hargeysa(ANN) Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA , ayaa maanta shaaca ka qaaday inay joojiyeen wadahadalo la doonayay in xabsiga lagaga sii daayo laba weriye oo maalintii doraad la xidhay,ka dib markii ay sawiro ka qaadeen masuuliyiin ku sugnaa meel u dhaw
xero ciidan oo ay Talaaladii soo weerareen koox hubaysan oo doonayay inay qabsadaan, iyadoo suxufiyiinta oo goobta tegey doonayeen inay wax ka ogaadaan dhacadadaa.
Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle ( Duur) inuu si sharci daro ah ku haysto labada weriye oo kala ah Maxamed Cabdi Curad tifaftiraha wargeyska madaxbanaan ee Yool iyo Khadar Hayaan oo ah suxufi ka hawlagala wargeyskaas,isaga oo ka caga jiidaya in uu wasiirku diiday sii daynta suxufiyiintaas,maadaama oo aanay jirin dacwado lagu soo oogay oo loo gubiyay hay’addaha sharciga.
“Anigu wasiirka mar dambe arrintaa kala hadali mayno, ha haysto labada weriye, laba Telefoon ayaanu ka garaacnay naguuma qaban xafiiskaanu ugu tagnay , waxaad moodaa in wasiirka arrimaha guduhu si gaar saxaafada ugu buuxo waxa ay ahayd in uu na dhageysto, Gudoomiyaha ama laba daqiiqo nala hadlo” ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.
Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa mudadii ay xukunka haysay waxay suxufiyiinta Somaliland ku eedeeyaan inay si gaara u bidhaansanay, isla markaana ay xabsiga dhigtay sannadkan 2012 in ka badan 54 ,kuwaas oo marar kala duwan iyo meelo kala duwan lagu xidhay, isla markaana lasii daayay mudo ka dib markii ay xidhnaayeen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com