The Watched CitizenWashington(ANN) Urur u Ololeeya arrimaha deegaanka Soomaalida oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, ayaa soo dhoweeyay talaabada dawladda Maraykanku ku joojisay

 

ka ganacsiga dhuxusha Soomaalida. Kadib markii Madaxweynaha Dalka Maraykanka Obama soo saaray todobaadkii lasoo dhaafay qaraar lagu mamnuucayo ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxushada Soomaalida, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay halka dhaqaallaha ugu baddan ka helaan kooxda Al-shabaab.
“Talaabada dawladda Maraykanku ku joojisay dhuxusha Soomaalida, waanu soo dhowaynaynaa, ayuu yidhi Faarax Maxamuud Maxamed oo ah gudoomiyaha Urur u Ololeeya daryeelka iyo ilaalinta deegaanka Soomaalida oo magaciisu yahay SEPAN.
Faarax Maxamuud oo degan dalka Maraykanka, isla markaana gudoomiye u ah Urur lagu magcaabo SEPAN, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada BBc-da qaybteeda afka Soomaaliga, balse waxa uu tilmaamay inaanay joojinta Maraykanu ahayn mid loogu danaynayo daryeelka deegaanka Soomaalida ee ay Maraykanku ka eegeen oo keliya dhinaca dhaqaallaha oo ay sheegeen inay Al-shabaab dhaqaalle ka hesho. Laakiin waxa uu xusay in marka la eego dhuxusha Soomaalida la dhoofinayay tan iyo intii ay burburtay dawladii Soomaaliya, taas oo ku tusaysa marka la eego sanadihii 2004 iyo 2005 oo aanay jirin Al-shabaab  baaxada dhuxusha la dhoofiyay. Sidaa awgeed loo baahanyahay in laga qabto wax khayraadka kale ee dhinaca badda oo si weyn loo xaalufiyay.
Gudoomiyaha Sepan Mr. Faarax , waxa uu sheegay in haddii la doonayo in la badbaadiyo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya aanay arrintu ku koobnaateen oo keliya dhuxusha, balse wax laga qaban lahaa maraakiibta xeebaha Soomaaliya xaalufisay iyo kuwa suntan ku daadinaya, taas oo uu sheegay inay tahay khatar weyn oo aanay dunidu ka hadlin, taas bedelkeedana waxa uu sheegay inay kooxaha Budhacad-badeeda ee ka jira Soomaaliya ay miciinsadeen inay afduubaan maraakiibta markii la xaalufiyay kaluunkii iyo khayraadkii kale.
Hase yeeshee Mr. Faarax waxa uu sheegay in go’aanka Maraykanka ee xiligan joojinta dhuxusha Soomaaliya uu ka duwan yahay qaraar hore qaramada midoobay uga soo saareen oo meel mar noqonwaayay. Laakiin qaraarka Madaxweyne Obama uu yahay mid rajo leh oo ka awood baddan kaas hore golaha amaanka uga soo baxay, balse loo baahanyahay in qorshaha lagu darsado in la badbaadiyo khayraadka kale ee dhullka iyo baddaha Soomaalida, isla markaana wadamada carabta oo uu ku tilmaamay kuwo sida mukhaadaraadka ugu mamay dhuxusha Soomaalida talaabo laga qaado.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *