Ceerigaabo (ANN)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Ccali Gaafaadhi iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo. Iyagoo xafiisyo ka furaya degmooyinka iyo gobolada
dalka ee Bariga.
Gudoomiyaha iyo weftigiisa kaga hortegay duleedka magaalada Ceerigaabo boqolaal ka tirsan taageerayaasha ururka Rays ee gobolka sanaag oo watey gaadiid aad u tiro badan oo horkacayaan salaadiin, cuqaal, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haween oo ku lebisan calanka astaanta ururka rays, calanka Somaliland, huga hidaha iyo dhaqanka
Weftiga urur siyaasadeedka Rays markii ay soo gaadheen gudaha magaalada ceerigaabo waxaa lagu soo wareejiyey jidadka iyo shaaricyada magaalada oo ay oo soo buux dhaafiyeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururka Rays oo isugu jira dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada ceerigaabo oo aan iyagu u kala hadhin soo dhoweynta iyo qaalbilaada weftiga ururka Rays oo markii ugu horeysey gobolka sooo gaadhey.
Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali gaafaadhi ayaa markii uu soo gaadhey gudaha magaalada ceerigaabo dusha uga baxay gaadhigii uu saarnaa isagoo halkaasna ugu gacan haadiyey taageerayaashiisa iyo dadweynaha reer ceergaabo oo safnaa jidadka iyo shaaricyada waaweyn magaalada oo weftigana ku qaabiley shucuur dareen farxadeed xambaarsan
Ugu danbayntiina gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi iyo weftigii la socdayba waxay si rasmiya xadhiga uga jareen xafiiska guud ee ururka Rays ku yeelan doono magaalada madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo halkaas oo ay ku sii diyaar ahaayeen kumanaan ka tirsan taageerayaasha ururka Rays ee magaalada Ceerigaabo oo muujiyey dhoolatus balaadhan iyo cududa ay ku leeyahiin Gobolka Sanaag
Intaa kadsib waxaa dadweynaha halkaasi kala hadlay Gudoomiye Ururka Rays Gaafaadhi, oo siweyn uga uga mahdadoobay Soo dhaweynta balaadhan ee uu kala kulmay guud ahaanba bulshada reer sanaag waxaanu xusay inaanay xasuustiisa ka bixi doonin shacbiga Sanaag ay ku qaabileen. Waxaanuu intaa raaciyey gudoomiyihu inuu shirar iyo kulamo isdaba joog ahba la yeelan doono haldoorka iyo koofiyada bulshada gobolka sanaag
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Xooghayaha Ururka Rays Warsame Xiinwaal, Ibraahin Cali quule iyo Saleebaan Barkhad oo kazoo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland iyo Ururka Wada jir ee ay dhawaan mataanaha Noqdeen ururka rays ayaa iyaguna dhankooda ka marag kacay Cududa iyo awooda ururka rays uu ku leeyahay gobolka Sanaag.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay salaadiin iyo Cuqaal, guurti oo iyaguna dhinacooda muujiyey taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka Rays.
Weftigan ayaa ka hor intaanay soo gaadhin magaalada ceerigaabo waxay safarkooda ku soo mareen, degmooyinka galbeedka gobolka sanaag ee ceelafweyn, garadag iyo Yufle, halkaas oo ay xafiisyo ka fureen, iyadoo deegaamadaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay. Masuuliyiinta Rays mudadii ay socdaalka booqashadooda ku marayeen deegaamadaa waxay kulamo iyo shirar la eesheen waayeelka iyo waxgaradka degaanadaa.
Gudoomiyaha Rays iyo wefdigiisa ayaa loo sameeyay soodhawayn tii ugu balaadhnayd ee lagu qaabilo urur siyaasadeedyada booqashada ku taga gobolka sanaag, tan iyo intii uu bilaabmay tartanka taageero doonka ah ee ururada siyaasadu ay ku doonayaan inay shacbiga Somaliland ee gobolada iyo degmooyinka ka helaan taageero, isla markaana Ururada siyaasada ayaa hada maraya wareegii labaad ee buuxinta shuruudaha Ururnimo. Kadib markii ay gudida diiwaangelinta iyo ansixinta Ururada siyaasadu soo gebagebeeyeen wejigii hore oo ay is diiwaangeliyeen 15 Urur siyaasadeed.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com