Abuja (ANN)Ururka lagu magacaabo Bokka Hara moo ah urur Islaami ah oo ka dagaalama wadanka Nayjeeriya eek u yaal galbeedka Afrika, ayaa ku dhawaaqay in xidhiidh xooggani ka dhexeeyo kooxda Al-shabaab ee dagaalka  kula jirta dawladda Sheekh Shariif ee Koonfurta Somalia, iyada oo

 

ururka Bokka Haram oo lala xidhiidhiyo kooxda Al-Qaacida sheegeen inay dagaalkooda wadi doonaan ilaa inta dawlad islaami ah laga dhisayo wadanka Nayjeeriya.
Bayaan ururka Bokka Haram toddobaadkii hore soo saaray oo lagu baahiyey warbaahinta Soomaaliya iyo Nayjeeriya, ayaa lagu sheegay in dalka Nayjeeriya uu ka socdo dagaal jihad ah oo wadankaasi lagaga xoraynayo dawladda xidhiidhka la leh wadamada reer galbeedka iyo Maraykanka. Waxaannu ururka Bokka Haram daboolka ka qaaday in xidhiidh ka dhexeeyo Al-shabab, isla markaana kooxdoodu taageero iyo tababaro kala duwan ka helaan ciidammada Al-shabaab ee koonfurta Somalia ka wada
Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay u tallaabeen dhinaca dalalka ku yaal galbeedka Afrika iyo waqooyiga Afrika oo ay ka jiraan kooxda la baxday Al-qaaciidada Maqribta Islaamiga ah, iyada oo kooxdaasi hawlgalo argagixiso ka fuliyaan dalal baddan oo ku yaal Waqooyiga Afrika, gaar ahaan dalalka Aljeeriya iyo Morokko.
Kooxda Bokka HARAM oo ah koox islaami ah oo la sheegay inay xidhiidh la leeyihiin Alqaaciida, ayaa dhawaaqan ka soo yeedhay waxa uu xoojinayaa wararka sheegaya in dagaalyahano Al-Shabaabka Soomaaliya ka tirsan u hayaamayaan dalal ku yaal galbeedka Afrika iyo waqooyiga Afrika, kuwaas  oo raadinaya goobo istaraatiji ah oo ay gabood ka dhigtaan.
Ciidammada ammaanka wadanka Nayjeeriya ayaa sheegay inay 83 qof oo ay u qabqabteen qaraxyo dhawaan ka dhacay wadanka Nayjeeriya, kuwaas oo  ay ku jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo looga shakisan yahay  inay ka mid yihiin kooxda Al-shabaab.
Shebekada wararka ee Araweelomnews  oo soo xiganaysa warar meelo kala duwan ay ka heshay oo xog ogaal u ah dhaq-dhaqaaqa kooxaha Islaamiyiinta  ee Al-qaacidada Yamen iyo galbeedka iyo Woqooyiga Afrika ayaa baahisay horaantii bishii May 11, 2011, warar   sheegaya  inay Kooxaha  muhaajiriinta  oo tiradooda lagu qiyaasay  sideed boqol  ay qaarkood ka talaabeen xuduuda dhinaca koonfureed  ee Ethiopia, kuwaas oo doonaya inay ka qayb qaataan dagaalka la doonayo in xukunka lagaga tuuro hogaamiyaha Libya Mucmar Al Qadaafi, iyagoo doonaya inay la saftaan malayshiyada   kacdoonka ka bilaabay Banqaazi, kuwaas oo maamulka Qadaafi hore u sheegay inay xubnaha hogaamiya ka mid yihiin nin lagu magcaabo  Abdulxakiim Alxasaadi oo ay ku  sheegeen  inuu yahay hoggaamiye caan ah oo ka tirsan ururka Alqaacida kas oo ku suganaaa markii ay kacdoonadu ka bilaabmeen dalkaa magaalada Banqaazi.
Sidoo kale shebekada Araweelonews ayaa baahisay 11 May 2011 in  Boqolaal kale oo ka mid ah  dagaalyahanka Al-shabaab ay u haajireen dalalka Yamen  iyo Libya si ay uga dagaalamaan halkaa, iyadoo  koox lagu qiyaasay inay gaadhayaan dhawr boqol oo u baddan muhaajiriinta ka dagaalama  u talaabeen bilihii u danbeeyay dhinaca dalka Yamen oo lagu tilmaamo xudunta aasaaska u ahayd shebekada weyn ee Al-qaacida, kuwaas oo lala xidhiidhiyo kooxda ka dagaalanta Somalia  ee Al-shabaab. Waxaana jira warar iyo tibaaxo laga helay dhinaca dalka Yamen oo sheegaya inay kooxaha hoos yimaada urur weynaha Al-qaacida ka qorshaynayaan in marka xukunka laga tuuro hogaamiyaha dalka Yamen, taas  oo  fursad weyn u noqonaysa inay gacanta ku dhigaan marinka istiraatiijiga ah ee  gacanka cadmeed, halkaas oo ay doonayaan inay hawlgalo ka dhan ah reer galbeedka si fudud uga fulin karaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *