Hargeysa(ANN)Imtixaanka Shahaadiga Dusgiyada Waxbarashada ee Dawlada Somaliland Fasalada 4aad iyo 8aad oo 25 May  si rasmiya uga bilaamay guud ahaan Gobihii loo qoondeeyay ayaa markii sadexaad fadeexado  ka hor yimaadeen. Kadib markii Ardaydu suuqa ku kala iibsatay maadooyinka uu

ka kooban yahay, taas oo wejigabax ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana raad xun  ku yeelanay mustaqbalka Ardayda  Somaliland iyo taariikhda waxbarashada.
Imtixaankan oo ay Sanadkan u fadhiisteen in ka badan 15500 oo Arday oo isugu jira Dugsiyada dhexe iyo kuwa Sare ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo ay Ardaydu habeen walba si fudud u helaan maadooyinka Imtixaankii ay subaxnimada u fadhiisnayaan, iyagoo goobo khaas ah ku kala sawirta.
Maadooyinka V6  iyo Ingilishta oo ay maanta u fadhiisteen Ardayda Dugsiyada sare ayaa xalay lagu kala iibsanayay goobo ka mid ah magaalada Hargeysa, iyagoo Ardaydu saxmad ka dhigay goob waraaqaha lagu copy gareeyo oo ku taala wadada Total  ee xaafada Xidigta ee ku taala Koonfurta magaalada hargeysa. Sidoo kale goob kale oo ku taala xaafada Jig-jigayar  ee dhinaca galbeedka Magaalada  hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha Ardaydu warqaaha Imtixaanka ku kala sawiranayeen, iyagoo qaar kalena isugu dirayeen E-mailka.
“Imtixaanka xalay ayaanu helay markaa xalay ayaanu kasii shaqaynay  saakana waanu dhiibnay ayuu yidhi mid ka mid ah Ardayda waqtigaa maanta kasoo dareertay goobaha loo qorsheeyay inay fadhiistaan oo la kulmay weriye ka tirsan shebekada Araweelonews oo kula kulmay suuqa magaalada Hargeysa.
Mid kale eoo ka mid ah Ardaydaa ayaa yidhi, “Al-jasiira ayaanu tagnay markii aanu ogaanay in halkaa lagu kala sawiranayo imtixaankii maadooyinkii subaxnimada la gelayay, waanuna ku guulaysanay.  Gobolada kale waa nala mid inkasta oo inter-netku qaarkood ka xumaa xalay. Laakiin way heleen ayuu yidhi  Ardaygaasi oo la weydiiyay inay arrinatani tahay mid ku kooban hargeysa oo keliya iyo inay gobolada dalka oo dhan ardaydooda gaadheen  imtixaanka suuqa madaw galay.
Maadooyinka Xisaabta, Business iyo Agriculture oo subaxnimada  29 May 2011 la filayo inay Aradaydu u fadhiisnayaan  ayaa caawa caweyskii suuqa madaw lagu kala iibsanayay , iyadoo aanay ilaa hada xukuumadda Somaliland wax taalabo ah ka qaadin, isla markaana ay hada u muuqato inay wax dabeeciya iska noqotay inay Ardaydu guryohooda habeenkii kaga sii shaqeeyaan  Imtixaanka. Kadibna subaxnimada u dhiibaan macalimiinta qaadaya Imtixaanka.   “Imtixaanka Beri caawa ayaanu ka shaqaynaynaa.”  Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah Ardayda magaalada hargeysa ku gelay imtixaanka dugsiyada sare ee fasalka Afraad.
Tan iyo markii imtixaanaadka Ardayda Dugsiyada  dhexe  iyo sare ee Somaliland ka bilaabmeen dalka bishii hore waxa soo baxayay fadeexado la kowsaday bilawgii oo ahaa in su’aalaha  uu ku saabsanyahay  imtixaanku  jawaabahoodii lagu qaybiyay internet-ka, isla markaana lagu kala iibsaday Adeega Zaad. Sidoo kalena lagu qaybiyay goobaha waraaqaha lagu copyeeyo iyo mobiladaba,  taas oo sababtay  inay    qaar ka mid ah dugsiyada Awdal oo arrintaa ka war helay  rabshado sammeeyeen bishii hore. Mana jirto cid ilaa hada loo qabtay fadeexadaa soo food saartay imtixaanaadka, isla markaana wasaaradda Waxbarshada iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa indhaha ka qarsaday  inay arrintaa bilawgiiba talaabo cad ka qaadaan, isla markaana diyaariyaan istiraatiijiyad lagaga  hor tegayo inay mar labaad soo noqoto in imtixaanka suuqa madaw lagu kala iibsado.
Dad baddan oo ka murugaysan cawaaqib xumada ay dhaxalsiin karto arrintani mustaqbalka waxbarshada Somaliland iyo saamaynta raadka xun ee ay ku yeelankarto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa ku doodaya inay tahay siyaasad la doonayo in lagu fashiliyo wasaaradda waxbarashada  oo ay wasiir ka tahay Marwo Zamsam Cabdi Aadan iyo guud ahaanba xukuumadda Siilaanyo, kuwaas oo ku doodaya inay dadka fadeexadaa wadaa yihiin kooxo siyaasad fog ka leh oo wasaaraddaa yeeshay intii ay Somaliland jirtay, kuwaas oo ah kudlad isku xidhan oo aan ogolayn inay in wax isbedel ah lagu sameeyo maamulka wasaaradda, isla markaana ku xididaystay wasaaradda oo aan ogolayn in cid aanay raali ka ahayni soo geliso fooda. 
Sidoo kale macalimiinta laga joojiyay lacagta ay Ardayda ka qaadi jireen ayaa iyaguna qaarkood lug ku leeyihiin qorshahaa la doonayo in lagu fashiliyo wasaaradda waxbarashada iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ilaa hada ku guuldaraystay inay talaabo cad ka qaado fadeexadaha soo waajahay imtixaanaadka Ardayda dugsiyada dalka ee suuqa lagu kala iibsanayo.

Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *