ukarineKiev(Araweelo News Network)Xiisad siyaasadeed ayaa ka aloosan dalka Ukriane. Kadib xukunka laga tuuray Madaxweynihii dalkaa, taas oo sababtay inuu ka baxsado qasriga Madaxtooyada markii Baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday, isla markaana u magcaabay

Madaxweyne Gudoomiyihii Baarlamaanka.
Waxaana soo baxay xiisado siyaasadeed oo sii xoogaysanaya oo ka taagan dalka Ukrine, iyadoo Mid ka mid ah mas’uuliyiintii ugu sarraysay dowladdii xilka laga tuuray ee dalka Ukraine lagu toogtay magaalada caasimadda ee Kiev.

Ninka la toogtay Andriy Klyuev ayaa ahaa madaxii shaqaalaha ee madaxweynihii hore ee dalka ka baxsaqday Viktor Yanukovych.  Sarkaalka la dilay waxa hore loo shaaciyay inuu la baxsaday madaxweynihii hore marka uu ka baxayay caasimadda Kiev, balse Afhayeen u hadlay Klyuev ayaa sheegay in sarkaalkaa rasaas ku dhacday isagoo ku soo noqonayay caasimadda Kiev.

Dhinaca kale xiisada ka dhalatay Madaxweynaha xukunka ka cararay oo waaran qabasho ah loo jaray Yanukovych sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha ee dawlada cusub ee Ukraine.
Xukuumadda cusub ee la wareegatay tallada dalkaa waxa ku kala qeybsamay Ruushka iyo Midowga Yurub. Ruushka ayaa ku doodaya in aanay aqbalayn in ay aqoonsadaan xukuumadda cusub. Ra’iisalwasaaraha Ruushka Dimitry Medvedev ayaa sheegay in dowladda cusub ay xukunka ku qabsatay “gadood hubaysan”, waxayna dawlada Ruushku sii xoojisay canbaaraynta dawlada ay reer galbeedku taageereen ee Ukraine.
Ra’iisalwasaaraha Ruushka ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ku qaldan yahay inuu aqoonsado maammulka cusub ee Ukraine, iyadoo Mareykankuna dhinaciisa sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero dhaqaale siiyo dalka Ukraine si loo soo celiyo xasiloonidii dhaqaale ee dalkaasi.

Afhayeenka aqalka cad, Jay Carney, ayaa sheegay in deeqda dhaqaale ay Ukraine u suuragelin doonto inay horumariso qeybaha caafimaadka iyo waxbarashadda.

Hase yeeshee dawlada Faransiiska ayaa iyadu sheegtay in Madaxweynaha Farnsiiska Mr. Francois Hollande uu muujiyay inuu ka wer-wersan yahay muhiimmadda ah in awoodda Ukraine si nabad gelyo ah loo wareejiyo, xilli uu telefoon kula hadlayay dhigiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Labada madaxweyne ayaa wadahadlay iyadoo madaxa arimaha dibadda ee Midowga Yurub Catherine Ashton, ay ku sugan tahay magaalada Kiev, halkaas oo ay ku leedahay wadahadallo lagaga xaajoonayo sidii taageero siyaasadeed loo siin lahaa hogaamiyayaasha cusub ee Ukraine.

Qalalaasaha dalka Ukraine ayaa billawday kaddib markii madaxweynaha xilka laga tuuray uu diiday inuu xidhiidh dhow la yeesho Midowga Yurub oo uu doorbiday inuu ku baddesho Ruushka, isla markaana wuxuu ku gacansaydhay in uu saxeexo mashruuc midawga Yurub doonayeen in uu la galo, balse diidmada mashruuca midawga Yurub wax aka cadhooday dadweynaha, kuwaas oo bilaabay mudaharaadyo waaweyn oo sababay in kursiga lagaga tuuro Madaxweyne Viktor Yanukovych.

Baarlamaanka Ukraine ayaa dhowr maalmood ka hor u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Viktor Yanukovych, kaas oo aan Ilaa hadda laga warqabin  halka uu ku sugan yahay, balse la rumaysan yahay inuu ku dhuumanayo gobolada dhinaca bari ee uu kasoo jeeddo.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *