Roma (ANN) Raysal wasaaraha dawladda taagta daran ee Somalia Cabdi weli  Maxamed Cali, wuxuuna Roma kula kulmay jahliyadaha Somalida ee halkaa isagoo  sheegay mar uu ka hadlayay xaalada Somalia ay muuqato rajo oo ay  Labaatan sandood  ka hor sidii ay ahayd noqonayso, iyadoo

 

sida ay sheegeen wakaaladaha wararku ay u qorshaysantahay inuu la kulmo  madaxda dalka Talyaaniga sida Wasiirka arrimaha debeda, Wasiirka Arrimaha gudaha   iyo sidoo kale raysal wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monti .
Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dawladda taagta daran ee Somalia ka caawinayso dhinaca sirdoonka, arrimaha budhacadbadeeda , la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha Milateriga.
Dhinaca kale waxa soo baxaya warar sheegaya inay booqashada raysal wasaaraha Dawlada taagta daran ee Somalia Cabdi Weli ee dalka Talyaaniga ay qayb ka tahay qorshe ay wataan Dawlada Talyaaniga, Qaramada Midoobay iyo Ururka Midawga Afrika oo la doonayo in Somalia laga dhigo Maxmiyad, isla markaana meesha laga saaro qorshaha dawladda Britain doonayso in xal loogu helo mushkilada Somalia ee la doonayo in lagu soo bandhigo shirka February 23-keeda ka dhacaya dalka Ingiriska, kaas oo Raysal wasaaraha Britain hore ugu baaqay.
Beesha Caalamka ayaa ku kala qaybsan sidii xal loogu heli lahaa mushkilada Somalia ee ay dunidu ku jaah wareertay labaatankii sanadood ee u danbeeyay, iyadoo qorshe ka Talyaanigu soo bandhigay ay durba ka dhawaajisay qaramada Midoobay, iyadoo dhinaca kalena ay Dawlada Iran sheegtay inay iyaduna dhinaceeda shir u qabanayso Soomaalida, kaas oo ay u qorshaysay laba weji, isla markaana Ururka Midawga Afrika iyo qaramada Midoobay la kaashanayso.
Qorshaha Talyaaniga, Midawga Afrika, IGAD iyo UN-ta ayaa nuxur ahaan si cad u sheegaya in arrinta Somalia lagu celiyo Maxmiyad ay  maamulaan, taas oo ka duwan dawladihii hore Somalia debeda lagaga keeni jiray oo waxba ka bedeli waayay xaalada Somalia.
Doodahaa waxa ka mid ah qaar ay soo jeediyeen AU-da, UN-ta, IGAD, ayaan waxba ku kala duwanayn, waxayna soo jeedinta qorsha dawladda Talyaaniga ee ku waajahan xalka Somalia, nuxur ahaan   u dhignayd sidan “Talyaanigu wuxuu ku talinayaa in Somaliya lagu wareejiyo maamul ka kooban beesha caalamka oo talada haya qiyaastii sanad iyo badh ilaa December 2013.  Wuxuu Talyaanigu soo jeediyey in loo dhiibo Somaliya UN/AU International Administration. Maamulkaa waxa madax ka noqonaya Joint UN/AU Special Representative for Somalia (JSR) oo ay wadajir u mgacaabaan AU-da iyo UN-tu.
Wuxuu Talyaanigu soo jeedinayaa in maamulkan cusub marka hore la wareego Muqdisho oo la sameeyo Maamul Ku Meel Gaadh ah oo ah Interim Authority ka kooban 15 xubnood oo ah Experts, 2/3 yihiin Somali 1/3na yihiin ajaanib oo ay beesha caalamka in ka mid ah magacaabaan. Xubnaha Somalida waxa lagu fadhiisanayaa sami qaybsigii 4.5.  Sidoo kale waxa la abuuri doonaa wakaalad maamusha lacagaha Somaliya iyada oo 60% ay isticmaali doonaan Interim Authorityga 15 ah 40% na Maamulka Guud ee UN/AUda ee JSR.
Xilwareejinta lagu Wareejinyo Awooda Somali:
Talyaanigu wuxuu soo jeedinayaa in si dhakhsa ah loo sameeyo Gole loo dhan yahay National Constitutive Council oo la wareega talada dalka 1 January 2014.  Golahaasi waxa ku jiraya Somaliland, Puntland, Ahlu Suna iyo maamulada cusub ee loo samaynayo meelaha laga xoreeyey Al-Shabaab.  Goluhu wuxuu ka koobnaan doonaa 100 xubnood oo ay soo magacaabaan maamulada jira, madaxweynaha, Raysal-wasaaraha, Wasaaraha iyo Gudoomiyaha DKM ee imika jirta. Waxa kale oo laga tali gelin doonaa baayac mushtarka iyo dadka ku jira xeryaha qaxootiga.  Golahaas waa inay ku yeeshaan ugu yaraan xubin 18kii gobol ee Somaliya ka jiri jiray iyada oo gobolna ka badnaan Karin 6 xubnood” ayaa lagu yidhi nuxur ahaan qorshaha Talyaaniga ee ku wajahan Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *