1390/11/09 - 07:15Iran(ANN) Dawlada Iran ayaa shaaca ka qaaday inay qabanayso  shir xal loogu raadinayo mushkilada iyo dhibaatada ka taagan Somalia. sidaana waxa shaaca qaaday  Wasiirka arimaha dibedda Iran Cali Akbar Salixi.kadib mar uu kulan la yeeshay xogahayaha guud ee urur goboleedka IGAD

 

Maxamuud Macalin.

wakaalada wararka ee Iran (Islamic Republic News Agency) oo soo xiganaysay wasiirka Arrimaha debeda ee Iran Cali Akbar Salixi  ayaa  sheegtay in Iran qorshaynayso shirkaa oo yeelan doona laba waji , iyadoo wejiga koobaad kan dhacayo xarunta dalka kenya ee Nairobi, isla markaana ay ka qaybgelayaan  sida wasiirka Iran sheegay  dalalka Iran ,Kenya ,Somalia iyo IGAD.

Cali Akbar waxa uu sheegay in wejiga labaad ee shirkaa lagu qabanyo dalkiisa oo ay ku marti qaadeen Soomaalida magaalada Tehran.
Dhinaca kale  dhawaaqa dalka Iran ku baaqay inuu shir u qabanayo Soomaalida ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay dawladda Britain wado shir bishan horaanteeda loo qorsheeyay in lagu qabto Britain, kaas oo ay qabanqaabadiisa wado dawladda Britain oo doonaysa in xal loogu helo mushkilada Somalia.

Hase yeeshee shirkaa ayaa xagal daac badani ku yimi. Kadib markii ay dawladaha ku loolamaya arrimaha Somalia qaarkood bilaabeen qorshayaal lagu wiiqayo shirkaa, iyadoo dawladda Talyaaniga oo kaashanay qaar ka mid ah dalalka carabta sida Masar ay  wadaan  dedaal dublamaasiyadeed oo lagu manja xaabinayo shirkaa, maadaama aanay dawladda Britain ka talo gelin.
Dawlada Talyaanigu waxay ugu yeedhay dalkeeda raysal wasaaraha dawladda taagta daran ee Somalia, si u kala daadiyaan qorshaha Britain ee shirka. Sidoo kale qaramada Midoobay oo iyadu sharaci ahaan xaq u leh inay roolka u weyn ka ciyaarto Somalia sharci ahaan sida uu dhigayo qararka golaha amaanka ee lasoo saaray markii ay burburtay dawladii Somalia 1991-kii ayaan shirka Britain wado laga talo gelin, taas oo iyana dhinaceeda wada qorshe lagu manaj xaabinayo shirkaa, iyadoo ay hada Talyaaniga dawladaha carabta iyo qaramada midoobay doonayaan inay taageeraan shirka ay ku baaqday Iran ee arrimaha Somlia.
Dhinaca kale shirka ay dawladda Iran ku baaqday ee arrimaha Somalia, waxay  shaacintiisu kusoo beegantay, iyadoo uu shir uga socdo xarunta Ethiopia ee Addis ababa hogaamiyayaasha 53 wadan oo afrka ah, kuwaas oo kulan laba maalmood ah kaga hadlaya xaaladaha siyaasadeed iyo mushkiladaha ka taagan dalalka Somalia, Nigeria, Libya and Egypt. Sidoo kale waxa lagu dooranayaa shirkaa hogaan iyo gudiyo haga ururka midawga Afrika.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *