Caynaba(ANN)Koox dablay ah ayaa weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Caynaba, kuwaas oo xabsiga kala baxay Laba Oday oo ka mid ahaa
dadka xabsiga ku jiray, weerarka kooxda hubaysani ku ku qaaday maanta xabsiga waxa ku geeriyooday Taliyihii Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Saraar Marxuum Axmed Caydiid Bootaan. Kadib markii uu dhaawac halis ah oo soo gaadhay loola cararay dhinaca magaalada Burco oo marxuumku ku geeriyooday galabta.
Sida ay shebekadda wararka ee Araweelo News u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Caynba, waxa kale oo dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkaa lab aka mid ah Askarta xabsiga, iyadoo kooxda dablayda ahi ku guulaystay inay fuliyaan ujeedada weerarka ay doonayeen inay kula baxaan laba Oday oo ku jiray xabsiga.
Lama garanayo sababta ay u xidhnaayeen labadaa Oday iyo waxa ay ku eedaysnaayeen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay xidhiidh la leedahay arrimo muran dhul oo seere ah.
Wixii kasoo kordha kala soco shebekadda Araweelonews.com