Sool(ANN) Xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood ayaa Caawa Fiidkii Koox Hubaysani ku dileen Taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool Marxuum Cabdi Ciise Nuur. Kadib markii ay koox dabley aan la aqoonsani weerar ku Qaadeen
guriga uu magaalada laascaanood ka degan yahay taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool, kuwaas oo qudha kaga jaray tacshiirado rasaas ah.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Marxuun Cabdi Ciise Nuur ayaa Waxa Weerar ku Qaaday Koox hubaysan kadibna halkaasi ku dilay, kuwaas oo sida wararku sheegayaan dhaawac gaadhsiiyay ilaaladiisa iyo darawalkiisa.
Lama garanayo sababta Ka danbaysa Dilka taliyaha Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool Waxana Mudooyinka gobolkaasi hadheeyey Dilalka Qorshaysan oo Laascaanood ka Noqday tusbax afka laga furay, Waxana Weerardaa inta badan la sheegaa inay Qaadaan Kooxo Hubaysan oo aan haybtooda la garanay, kuwaas oo Duubanaya afka Xiliyada ay ku jiraan Weerar Hubaysan.
Dilka Taliyaha ayaa noqonaya kii Lixaad ee loo fuliyo sidan oo kale, iyadoo saraakiil ka tirsan masuuliyiinta gobolka sidan oo kale dilal qorshaysan loogu fuliyay tan iyo wixii ka danbeeyay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad Col, Yuusuf Nuur oo November 2009 lagu fuliyay qarax kuwa sheeda laga hago ah, kaas oo dilkiisa loo qabtay Taliyihii sirdoonka gobolka ee Maamulkii Rayaale iyo shaqsiyaad kale oo dhowaan maxkamadi ku riday xukun.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380