Mogadishu(Araweelo News Network)Taliyaha Guud ee Ciidanka Somalia Col. Indha Qarshe ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday gaadhigiisa maanta barqadii xili uu marayay meel u dhow wadada
wersheda Caanaha.
Balse Taliyaha ayaa la sheegay in aanu wax khasaare ah soo gaadhin, iyadoo uu qaraxaas kaga badbaaday gaadhiga uu watay oo ahaa kuwa aan rasaastu Karin.
Ma jirto cid sheegatay qaraxaa ilaa hadda. Laakiin waxa lala xidhiidhiyay in ay ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab, kuwaas oo weerarkii ugu danbeeyay ku fuliyay maalmihii lasoo dhaafay xarunta dhismaha Baarlamaanka Somalia.