Hargeysa(ANN) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre, ayaa ka hadlay talaabada ciidanka boolisku ay Xarunta CID-da uga yeedheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo ay kulan xog waraysi ah kula yeesheen
sida uu sheegay, isagoo xusay in wax laga weydiinayay eedayn culus oo loo haysto.Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu beeniyay hadal ka soo yeedhay Agaasimaha Guud ee waxbarashada oo sheegay in Ciidanka CID-da Boolisku ay habeen hore si qayrul sharci ah ugu yeedheen xaruntooda su’aalana u uga weydiiyay kiis uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.
“Waxba kama hadalka ka soo yeedhay ninkaasi agaasimaha guud ah oo sheegay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu amray in xadhigiisa, waxaan idiin sheegayaa Dr. Gaboose maaha Askari Boolis ah ee waa Wasiir waxbana kama jiraan hadalkaasi,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Gen. Cilmi Rooble Furre wuxuu sheegay in masuulkaasi lagu eedeeyay dambi culus oo uu xusay in la baadhayo oo aanu jeclayn inuu ka hordhaco natiijada baadhista Booliska, isagoo yidhi, “Denbi karaim ah ayaa wax laga weydiinayay Ninkaa, markii wax la weydiiyayna waa la sii daayay, waana la baadhayaa.”
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow) oo Habeen hore ay Ciidamadda CID’du xidheen. Balse shalay gelinkii xalay la sii daayay waxa uu Ciidanka Booliska ku eedeeyay inaanay ilaalin masuuliyadiisa iyo xoriyadiisa muwaadinimo oo ay xili dambe geeyeen xarunta CID-da.
Shir jaraa’id oo uu xalay fiidkii warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa ayuu ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose inuu lahaa Amarka qabashadiisa isagoo tilmaamay in sharci daro uu kula kacay.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Ciidamaddu CID’du iska xidheen iyagoon u sheegin wax danbi ah oo loo haysto balse uu shalay aroornimadii ogaaday in wasiir Gaboose Amarkaa bixiyay, wuxuuna ku eedeeyay Gaboose inuu wado iska horkeen iyo fadqalalo uu ku doonayo inuu colaad u galiyo Xukuumadda Somaliland deegaanka uu kasoo jeedo.
Cali Caliyow wuxuu ku dooday inaanu ka hadhayn falkaasi lagula kacay oo uu Maxkamadda geyn doono isagoo sheegay in dhacdadani ay tahay mid foolxumo ku ah Haykalka Dawladnimo oo aanay Caqli gal ahayn in Wasiir inta uu Amar bixiyo uu iska xidho Agaasime Guud iyadoo aan wax Waaran Maxkamadeed ah loo keenin.
Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay Xukuumaddu ka hawl gashay sii dayntiisa balse ma uu cadayn qaabka loo sii daayay iyo Eedaha loo xidhay toona,
Hase yeeshee warar u dhuun daloola dhacdadan ayaa sheegaya in lagu sii daayay Agaasimaha damiin, isla markaana wararka qaar ayaa sheegaya inuu waan waan ka dhexwaday kooxda Budhacd-badeeda ee haysata muwaadiniinta u dhashay Denmark iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha debeda ee Denmark, isagoo sheegaya inuu ka mid yahay masuuliyiinta Somaliland.
Kooxda Budhcad-badeeda ayaa dawladda Denmark ka dalbaday lacag malaayiin dollar ah in loo siiyo madax furasho si ay u sii daayaan dadka ay afduubka u haystaan deegaanka Bandar Bayla ee xeebaha Somalia ee usii jeeda dhinaca badweynta India.
Mr. Cali Caliyow oo ka hor intii aan xilka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarshadda iyo tacliinta sare loo magcaabin ku noolaa mudo dalka Maraykanka ayaa wararka qaar sheegayaan inuu hore dhexdhexaadin uga galay kooxo budhcad-badeed ah oo deegaanka xeebaha Somalia maraakiib uga Afduubay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com