Oodweyne(ANN)Weriye Barwaaqo Aadan Moahamod Oo Ka Hawl Gasha Telefishanka Caaliga Ah Ee Somalichannel Ayaa Kuna Sugan Magaalada Oodweyne Ee Xarunta
Gobolka Daadmadheedh Ayaa Ay Hada Ciidamada Booliska Oodweyne Xabsiga U Taxaabeen
Weriye Barwaaqo ayaa Khadka telefanka ugu sheegtay weriye la xidhiidhay caawa Caweyskii sheegtay in gaadhi ugu yimi guriga ay ka degan tahay magaalada Oodweyne mana cada ilaa haatan sababaha keenay xadhiga saxafiyadan iyo weliba waxa lagu haysto
xadhigan weriye barwaaqo aadan mohamed ayaa ka mid ah hagardaamada ay xukuumada somaliland iyo ciidamada boolisku kula kacayaan saxaafada ka hawlgasha somaliland
Si kastaba ha ahaatee waa markii xusufiyadan ayaa noqonay tii ugu horaysay ee ciidamada booliska magaalada Oodweyne xabsiga u taxaabaan, balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa marar kala duwan xabsiga u taxaabay weriyayaal tan iyo markii ay xilka la wareegtay 2010, sidaa awgeed maaha wax ku cusub dhegaha dadeynaha xadhiga suxufiyiintu, balse waxa la rumaysanyahay inay tani qayb ka tahay dedaalada dheeraadka ee lagu xakamaynayo xoriyada saxaafada ee lagu aamusiinayo xoriyatul qawlka.