Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dalka Yeman oo iskugu jiray Ganacsato iyo xubno ka mid xukuumadda dalka Yeman, balse warar dhinaca dublamaasiyada ah ayaa
sheegaya in ujeedada wefdigu ka duwanayd qaabka xukuumadda Somaliland uga hadashay.