KismaayoKismaayo(Araweelo News Network)Dagaalo ka dhacay Magaalada Kismaayo Maanta ayaa sababay khasaare dhimasho dhawr iyo toban qof. Kadib markii  Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose in dagaal culus oo

madaafiic laysu adeegsaday  ku dhexmaray kooxo hubeysan oo ah Malayshiyaadka RaasKaanbooni oo daacad u ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyoMalayshiyada  Iftin Xasan Baasto.

 

Dagaalka dhexmaray labada hogaamiye kooxeed oo ka mid ah dhawr Nin oo mid walba gaarkiisa u sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamulka muranku ka dhashay ee dhowaan halkaa lagaga dhawaaqay, kaas oo xukuumadda Federaalka Somalia hore u sheegtay in aanay aqoonsanayn.

Boqolaal shacabka Magaalada Kismaay ka mid ah oo ku sugnaa goobaha dagaalku ka dhacay ayaa ka baxsanayaan xaafadaha uu dagaalku saameyay. Goobaha dagaalada culus ay ka dhaceen waxa ka mid ah dalcadda Via Afmadow oo ka tirsan xaafadda Calanleey.

Afhayeenka maamulka Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa BBCda u sheegay, inay amniga magaalada ay gacanta ku dhigeen isla markaana ay ka saareen magaalada kooxda dagaalku dhexmaray oo uu ku eedeeyay  inay xidhiidh la leeyihiin kooxda Alshabaab,  balse dhinaca kale afhayeen u hadlay Malayshiyada  Iftin Xasan Baasto, ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gardarro ah oo saaka ay ku soo qaadeen kooxda raaskaambooni.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in dagaalka maanta uu sababay dhimashada laba iyo toban qof iyo dhaawaca ku dhawaad labaatan kale.
Dhinaca kale xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegtay in dagaalka Kismaayo yahay mid waxyeelo u geysan kara nabada iyo xasiloonoda la doonayay in Somalia lagu soo celiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *