Samuel K. Doe, wuxuu ahaa saajinkii, ama sadex aliflihii xukunka dalka Labeeriya ee galbeedka Afrika ku qabsaday Inqilaabka Milateri
sanadkii 1980. Kadib markii uu xkunka ka tuuray Madaxweyne William R. Tolbert, Jr. oo dalkaa ka xumukayay tan iyo 1971 ilaa 1980.
William R. Tolbert, Jr. wuxuu ahaa Madaxweynihii 20aad ee talada dalka si dumuqraadi ah ula wareega, isagoo Madaxweyne xigeen u ahaa William Tubman 1952 ilaa 1971. Ka hor intii aanu xukunka la wareegin.
Hase yeeshee William R. Tolbert, Jr. waxa xukunka lagaga tuuray inqilaab Milateri oo uu dalkaa ku qabsaday Samuel K. Doe oo ahaa Saajin ka tirsnaa Milateriga dalkaa, wuxuuna inqilaabkaa uu xukunka ku qabsaday ku sadqeeyay Madaxweynihii dalkaa mudada dheer kasoo talinayay Wiliam R. Tolbert Jr. oo ahaa Madaxweynihii 20aad ee talada dalka Liberia si dumuqraadi ah ula wareega, wuxuu kasoo jeeday addoontii laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaas oo 69 sarkaal oo dalkaa loo soo tababaray xukunka la kala wareegayeen mudo dheer, iyagoo la baxay bulshadii Buuraha (Tubman Hill), isla markaana hal xisbi kasoo wada jeeda.
Inqilaabka uu xukunka ku qabsady Samuel K. Doe, wuxuu ka danbeeyay, kadib markii kooxda dalkaa xukumayay u diideen inay cid aan kasoo jeedin Addoontii laga soo celiyay Maraykanka aanay saamayn ku yeelan siyaasada dalka, isla markaana xilalka dadka loo dhiibayo ay noqdeen oo keliya kuwa haysta waxbarashooyinka Maraykanka, ama Baasaboorka Maraykanka.
Arrintaa ayaa lagu tilmaamaa inay sabab u ahayd inqilaabkii lagu sadqeeyay Madaxweynihii dalka Liberia William R. Tolbert, Jr. kaas oo uu xukunka kaga tuuray Samuel K. Doe, isagoo dalka kusoo roggay xukun Milateri 1980.
Talaabada uu xukunka ku qabsaday Samuel K. Doe, waxay meesha ka saartay nidaamkii dumquraadiga ahaa ee mudada dheer ay xukunka kula kala wareegayeen Madaxweynayaashii dalka Liberia. laakiin Samuel Doe waxa xukunka lagaga tuuray sagaashanaadkii wadadii uu ku qabsaday. kadib markii Jarlos Taylor inqilaab Milateri xukunka kaga tuuray, isla markaana si waxashino ah u dilay, isagoo gaadhi dabada ugu xidhay markii ciidmadiisu dhegaha mindiyo kaga jareen, isla markana jidh dil ku sameeyeen, taas oo sababtay dagaalo sakooye oo dalkaa ka bilawday, kuwaas oo ugu danbayntii lasoo afjaray dhawrsanood ka hor.
Somaliland maaha qaran la aqoonsanyahay, balse waxay mudo dheer kusoo jirtay nidaamka Dumuqraadiga ah oo ay madaxda Somaliland xukunka kula kala wareegeen, balse Madaxweyne Siilaanyo oo xukunka dalka ku guulaystay doorashooyinkii dalka ka dhacay 26 Jun 2010, wuxuu u muuqdaa Madaqxweyne qaaday wadadii William R. Tolbert, Jr. kadib markii ay xukuumaddiisu inta badan noqotay mid qurba joog ah, isla markaana magcaabista xilalka xukuumadda ahmiyada ugu weyn iyo tixgelintu noqotay dadka sita Passaborada shisheeye ee dhinaca qurbaha ka yimi, kuwaas oo aan wax badan ka oggayn xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo duruufaha ka taagan.
Arrintaa Madaxweyne Siilaanyo hore ugu adeegsaday Xisbigiisa KULMIYE, mudadii doorashada Golaha wakiiladda Somaliland ee 2005, taas oo sabab u noqotay in golaha wakiiladdu noqdo golle fadhiidh ah oo ka gaabiyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo iyo wixii loo doortay, balse ku mashquulsan safaro ay ku tagaan wadamadii ay siteen sharciyadooda si ay lacagta caydha u doontaan.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo la filayay inuu ka baydho wadada khaldan ee guuldarada u horseeday golaha wakiiladda oo noqday golle 60 % haysta Paasabooro ajaanib ah, waxa la filayay inuu tixgeliyo Aqoonta, sida uu balanqaaday xiliggii kaanbaynka doorashada Madaxtooyadda saddex sannadood ka hor, balse balanqaadkaa ayaa noqday waxba kama jiraan, waxayna sababta Madaxweyne Siilaanyo tallaabada noocaa ah oo mooraal jab ku noqotay kumanaan dhalinyaro ah oo Aqoon iyo waaya aragnimo ku kasbaday dalkooda u tixgelin waayay, taas oo geyaysiiyay dhlinayaradaa inay ka Tahriibaan dalka, kadib markii ay arkeen in tixgelinta xukuumaddii sida weyn loogu hanweynaa ee Madaxweyne Siilaanyo noqotay qofka haysta Paasaboor hsisheeye, sida dalalka Yurub iyo Maraykan.
Doodo kale oo ka taagan qaabka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u magcawdo xilalka ayaa abuuray jaah wareer, kuwaas oo aan ku salaysnayn Aqoon, isla markaana ku fadhiyin nidaamka isu dheelitirka bulshooyinka deeggaanada kala duwan. Sidaa awgeed waxay dad badani is weydiinayaan Su’aasha ah “Somaliland Ma U Baahantahay Saajinkii Laybeeriya Samuel Doe?
By. Arta Abayan
E-mail arta.abyan@yahoo.com