Qaybtii saddexaad

Dawlada Djabuuti oo ka faaidaysanay fursada , isla markaana ku doodaysa inay khibrad u leedahay adeegan oo ay shirkadeeda Telefoonada ee Telcom hore ugu guulaysatay . ka dib markii ay Djabuti Sep,  1999, marinka  biyaha caalamagi ah ee uu maro Keybalka SEA-ME6WE  ay kasoo  lalisay gudbinta codadka iyo Enternet-ka.  Taas oo keentay inay Djabuuti tan iyo waqtigii uu bilaabamay hindisaha mashruuca fududeeyaha ee loo yaqaan EASSY,

 

 

 

waxay loolan adag u gashay sidii ay u noqon lahayd wadanka ugu haboon ee adeegan looga gudbin karo Dalka Ethiopia Somalia iyo dhinaca Somaliland.

Waxayaabaha ay Dawlada jabuuti ku dooday waxa ka mid ah in aanay Somalia ka jirin dawlad shaqaysa, isla markaana aanay ahayn  amaan. Sidoo kale aanay shirkadaha ka jira dhulka soomaalidu ahayn kuwo dabikhi kara shuruudaha ku xidhan mashruucan oo uu maalgelnayo Baanka Aduunku. Sidaa darteed iyadoo ka duulay  arrimahaa  ay i (Djibouti) noqoto wadanka ugu mudan ee adeega EASSy gaadhsiin kara Dalka Ethiopia Somaliland iyo Somalia, isla markaana iyada wax laga weydiiyo ka qayb qaadashada   ganacsatada Somalida ee doonay inay ka qayb qaadato mashruucan  sidii loo gaadhsiin lahaa adeegaa dhulka bulshada Soomaalida oo dhan maadaama qorshihii hore ee dhinaca magaalada Muqdisho loo asteeyay wax  iska bedeleen.

Dhinaca Dalka Ethiopia maadaama aanu lahayn  Bad in looga qaado adeega EASSy xeebta dalka  Djibouti xidhiidhiyaha . Haseyeeshee dawlada Ethiopia si weyn uga hortimi hindisahaa waxayna soo jeedisay qorshayaal kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in dhinaca xeebta Somalia ee Kismanyo ay ka qaadato, markii ay sababaha dhinaca amaanka iyo dawlad la’aanta ka jirta Somalia meesha ka saartay hindisahaa, isla markaana ay meesha ka baxday rajadii ay Ethiopia ka qabtay dawlada TFG ee Somalia.

Sidoo kale waxa hindisayaasha  Ethiopia ku doonaysay  sidii ay adeegan u gaashsiin lahayd dhulkeeda oo aan lahayn Bad ka mid ahaa inay Keybalka Fududeeyaha ee EASSY ka qaadato xeebta Somalialand ee dhinaca Lawyacado  oo ah meesha ugu dhaw ee sababo badan  awgood ugu suurta gelin kara. Laakiin hindisahaa oo isaguna cabsidiisa iyo wer -werkiisa laahaa ayay mar kale soo baxday inay Ethiopia Keybalka kasoo qaadato  Port Sudan oo dhinaca Dalka Soodan ah. Laakiin aririmahaa iyo hindisayaashaa ayaa isugu biyo shubtay inay Ethiopia ugu danbayntii ka qaadato adeega EASSY Djibouti . ka dib markii wadahadalo iyo kulamo ay yeesheen shirakada iyo masuuliyiinta  wadamada Djibouti iyo Ethiopia oo labadaba shirkadaha Telefoonada ay dawladu maamusho, waxayna Djibouti oo taageero u raadinaysa inay noqoto xarunta ganacsiga Isgaadhsiinta ee geeska Afrika mudooyinkaa  abaabushay kulamo ay shirakadaha wadamada Ethiopia, Djibouti, Somalia iyo dalka Yeman yeesheen ku qabatay wadaankeeda.

Marka laga yimaado mushkiladaha siyaasadeed  ee aan adeegan u suurta gelinayn in meelaha ku haboon looga jiido waxa xakameeyay siyaasadaha loolanka dhaqaale oo mashruucan EASSY u muujiyay murankiisa mid la mid ah muranada ka dhasha ceelasha iyo dhuumaha shidaalka, waxayna dawlada Djibouti si ay dhamaan arrimahaa iyo hindisayaasheedu ugu suurta galaan dhinaca shirkadaha Soomaalida  ee isgaadhsiinta inay ka hesho taageero  si ay u hirgeliso hindiseheeda, waxaana sannadii u danbeeyay jiray kulamo ay shirkadaha Isgaadhsiinta ee Soomaalida qaarkood la yeesheen Shirkada Telefoonada ee Djibouti oo doonay muujinta taageeda inay ka qayb qaadanayaan  gaadhsiinta adeega fududeeyaha ee bulshada soomaalida ganacsato Soomaaliyeed, kuwaas oo qayb sheer laga siinayo shirkada isgaadhsiinta ee Djibouti ………… La soco.

By,  Carraale  M. Jama

 Hargeysa Office Araweelonews 

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *