Iyadoo la rumaysan yahay inuu mashruucani si weyn wax uga tarayo bulshada ku dhaqan geeska Afrika iyo wadamada kale ee fursadaa ka faaidaysta dhinacyada dhaqaalaha, shaqooyinka iyo isticmaalka enternetka iyo teloofoonada oo qiimahoodu aad u hooseeyo, isla markaana tayadoodu sarayso iyo xaqiijinta ku xidhnaanta caalamka ee nidaamka golobasayshinka isku xidhka Aduunka.
Mashruucan oo ay maalgelinayaan Baanka Aduunka iyo Hay”ado, ama Ururo caalami ah waxa la saadaalinay bilawgii inay ka qayb qaataan shirkadaha wadamadaa ee dhinaca Isgaadhsiinta iyo ganacsatada u dhalatay dalalkaas oo ay maalgashi ku sameeyaan. Laakiin marxalado badan iyo duruufo ku xeernaa ayaa abuuray jiitan.
Hindisaha qorshaha mashruuca Keybalka Badda hoosteeda ee la doonayay in Afrika lagu soo wareejiyo wuxuu ahaa mid sannadii u danbeeyay soo socday, waxaana sannadkii 2002 lasoo gebagebeeyay mashruuca keybalka SAT3/WASC, kaas oo ay isticmaalayaan 11 wadan oo galbeedka Afrika ah, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin kuwa laysku yidhaahdo ECOWAS. Laakiin wadanka Angola oo keliya ayaa lagu xidhay Optic Fibre submareine Cable, halka wadamada Congo (DRC), Congo Republic Central Africa (CAR) ay yihiin shanta xubnaha ka ah GLR.
Sidoo kale Economic Community of Central Africa States oo loo soo gaabiyo (E CCAS) ayaan iyagu weli helin adeegaa mashruuca inkasta oo ay jireen codsiyo ay ku dalbanayaan inay ka qayb qaataan mashruucaa si ay uga faa’idaysteen wadamadaasi. Balse waxa jiray dib u eegistii mashruuca Keybalka uu maalgelinayay Baanka Aduunku ee EASSY fududeeyaha in lagu xidhiidhiyay Optic Fibre, iyadoo ay ka qayb qaateen shirakado gaar loo leeyahay lagu xidhiidhiyay Keybalka xadhkaha SAT3/WASC/SAFE, kaas oo ujeedadiisu ahayd in laysku xidho Afrika, Asia Iyo Yurub, isla markaana qorashahaasi yahay Optic Fibre System ay awoodiisu sarayso oo door mihiim ah ka qaadanaya horumarka, waxaana la bilaabay qorshaha mashruucaa EASSy oo Africa oo dhan lagu soo wareejiyo, iyadoo ay iska kaashadeen daraasado mashruucaa lagu hirgelinayo koox ka socotay Baanka Aduunka (World Bank Group), Bangiga Houmarinta ee Koonfur Afrika ( Development Bank of South Africa), Hay’ada Horumarinta ee Faransiiska (Agence Francaise de Development) ee loo soo gaabiyo (AFAD) oo kaashanaya Hay’ada ka qaybqaadashada horumarinta Afrika ee NEPAD (New Partnership for Africa’s Development) oo la sameeyay 2001.
Waxaana waqtigaa saxeexay qoraalka xusuusta fahamka mashruucaa labaatan wadan shirkadohooda Isgaadhsiintooda iyo kuwo gobolo ka socday, iyadoo ay ka mid ahaayeen
1- Botswana Telecommunication Corporation
2-Dalkom Co LTD (Somalia)
3-Djibouti Telcom
4- Ethiopia Telecom Corporation
5-Kenya Data Networks
6- Malawi Telecom
7-MTN Uganda
8-Ontel Burundi
9-Ruwanda Telecom
10-Satcom Ltd
11-Sentech South Africa
12-Sudan Telecom Ltd (Sudatel)
13-TDM Mozambique
14- Telecom Burundi
15-Telecom Malagasy
16- Telecom Kenya
17-Telecom South Africa
18-Telecom
19-Zanzibar Telecom
20- Zambia Telecom (Zamtel).
Inkasta oo wadamada gobolka ee mashruucaa danaynayay qaarkood bilaabeen qorshayaashoodii ka dib markii ay buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa, isla markaana ay saxeexeen heshiiska fahamka mashruucaa waxa hadana jirta in wadamada qaarkood dib uga laabteen markii ay kasoo bixi waayeen shuruudaha ku xidhan mashruucaa oo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka iyo isku xidhnaanta isgaadhsiinta ka jirta wadankaa inay tahay mid ka diiwaan gashan Ururka Isgaadhsiinta Caalamiga ah, iyadoo guddiyo kala duwan loo qaybiyay ka qaybgalka shirkadaha iyo wadamada doonaya inay ka qayb qaataan mashruucaa, kuwaas qiimayn iyo baadhitaan ku samaynaya qorshayaasha shirkadaha, ama ganacsatada
La soco…………….
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com