saylici1Hargeysa(Araweelo News)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daboolka ka qaaday inay dawladda

 

Itoobiya ka raaligeliyeen fal lagula kacay saraakiil sirdoonka Ethiopia ah oo loo xidhay saraakiil iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo magaalada Gabiley lagu xidhay dhammaadkii bishii March ee sannadkan.
Laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo watay Baabuur taarikadda, ama Lambarka Soomaaliya ku xardhan tahay, ayaa dhammaadkii bishii March ee 2014,  lagu qabtay magaalada Gabiley, kuwaas oo si deg deg ah loogu soo gudbiyey dhinaca Caasimadda Hargeysa, iyadoo markii la aqoonsaday inay dawladda Ethiopia ka tirsan yihiin, ayaa xoriyadooda loo celiyey, balse waxa ay ku doodeen in lagala hadhay qallab sir muhiim ahi ugu jirtay, isla markaana jidh dil iyo hagardaamooyin loo geystay mudadii gacanta lagu hayay.

Xukuumada Somaliland oo ka jawaabaysa ashkatago dawladda Itoobiya u soo gudbiyey, ayaa xabsiga dhigtay Taliye-ku-xigeenka Qaybta Booliska ee Gobolka Gabiley, Isuduwayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Waxbarashada ee gobolkaas, darawalka iyo askari ilaaliye u ah maayirka Gabiley, kuwaasoo ku eedaysan inay tacadiyo kula kaceen, dukumantiyo sir ah iyo rasaasna kala hadheen saraakiil Itoobiyaan ah oo magaalada Gabiley lagu xidhay.

Hasayeeshee, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo safar ugu baxay dalka Itoobiya shalay, ayaa sheegay inay dawlad ahaan arrintaas raaligelin ka siiyeen Itoobiya, isagoo xusay inay sharciga la tiigsan doonaan saraakiisha dhibaatooyinka kula kacay masuuliyiinta Itoobiyaanka ah, isla markaana falkaasi sida uu u dhacay baadhis lagu hayo.

“Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya waa xidhiidh qoto dheer, mana aha mid ku xumanaya arrimahaa yar ee lagula kacay saraakiisha oo si khalada u dhacay, waannu ka xunahay wixii ku dhacay saraakiishii reer Itoobiya, dawladduna waxay ka qaaday tallaabo adag cidii loo tuhmayay falkaas inay ku lug leeyihiin, waxaanuna horgeynaynaa sharciga. Mar haddii aan masuul qaran ahay oo aan halkaas tagana masuuliyiinta Itoobiya waan ku qancin doonaa sidii wax u dhaceen iyo tallaabada aannu ka qaadnay arrintaas,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Safarka Saylici ayaa la sheegay inuu la xidhiidho sidii uu dawladda Itoobiya ugu qancin lahaa in sifo khalad ah lagula kacay saraakiisha sirdoonkooda ka tirsan, isagoo xusay inuu dhinaca kalena Itoobiya u sheegi doono in saraakiishaan qudhoodu gef ka galeen qaranimada Somaliland, maadaama ay u badheedheen inay ku dhexmaraan baabuur taarikada Soomaaliya wata oo aan la ogaysiin dawladda Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *