Gudoomye Cirro1Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay

 

xadhigga wargeyska Haatuf oo dhawaan Xukuumadda Somaliland xayiraad saartay, isla markaana ciidanka Boolisku la wareegeen xaruntiisa, wuxuuna sheegay in aan xorriyatul-qawlka Somaliland lagu qiimayn karayn hal wargeys oo la xidhay.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Dastuurku madaxbannaani siinayo saxaafadda Somaliland, balse looga baahan yahay suxufiyiinta inay ku dhaqmaan akhlaaqiyaadka iyo shuruucda dalka oo ciddii ku gefta la xidhayo, isagoo xusay inuu ka xun yahay in la xidho xarunta wargeyska oo ay ka habboonayd tallaabo kale.

“Dastuurka Somaliland waxa uu tilmaamayaa inay madaxbannaani ku shaqayso saxaafaddu, xeerkuna wuxuu siinayaa madaxbannaani buuxda, inkasta oo suxufiyiintana laga rabo inay akhlaaqiyaadka saxaafadda ilaaliyaan.

Xadhigga Wargeyska Haatuf runtii waan cambaaraynayaa, laakiin waxa loo baahan yahay saxaafadda lafteedu inay shuruucda Somaliland u hoggaansanto, kuna dhaqanto,” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da xalay.

Guddoomiyaha waxa la waydiiyey su’aal ahayd, ‘mar haddii aanay saxaafaddii xorta ahayd waxba qori karayn in maamulku yahay mid keli-talis ah oo aan ogolayn in dadku aragtidooda muujiyaan.’ Waxa uu ku jawaabay, “Anigu taa ma qabo, Somaliland laguma qiimayn karo dhacdo keliya oo meel ka dhacday ama wargeys la xidhay, wargeysyada waddamada horumaray haddii la doono waa la xidhaa oo Maraykanka-ba waa la xidhaa, waxaan leeyahay suxufiga dambi waa lagu qaadi karaa oo waa la xidhaa, laakiin waxaan qabaa in aan Somaliland lagu qiimayn karayn hal wargeys oo la xidhay, kuwo badan oo kale oo soo baxaaba way jiraan, qofkii dambi galena sharciga iyo cid kalena toona ka difaacimaayaan, laakiin in hay’addii oo dhan la xidho waxaan u malaynayaa arrintaa inay tallaabooyin kale ka habboonaayeen.”

Waxa kale oo la waydiiyey aragtidiisa ku waajahan xeerka saxaafadda Somaliland ee la ansixiyey sannadkii 2004-dii inuu yahay mid dhammaystiran iyo inuu yahay qabyo u baahan in wax-ka-beddel lagu sameeyo, waxa uu kaga jawaabay, “Horta, xeer kasta baahidiisu way soo baxdaa oo Maraykanka aad joogto waad ka warqabtaa baahiyihiisa iyo dastuurkiisa oo maalin walba wax-ka-beddel ayaa jira, markaa baahidu haddii ay soo baxdo in wax lagu kordhiyo, laga beddelo ama laga saaro waxay ila tahay inay taasi daruuri tahay haddii loo baahan yahay. Waxay ila tahay xeer kasta oo dunida jira kuwa Somaliland iyo kuwa kaleba, malaha Qur’aanka ayuunbaa wax laga beddeli karin ee waxay aniga ila tahay inay qabyo ku jirto.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo la waydiiyey sababta hortaagan furashada idaacado madaxbannaan oo ka hirgala Somaliland, waxa uu yidhi, “Sharcigu ma diidayo ee waxay ila tahay qiimaynta iyo bixinta ruqsadda xukuumadda kolba joogta ayuu sharcigu awoodda siinayaa, markaa waxay ila tahay xukuumadda ayuun bay ku xidhan tahay inay ruqsaddooda bixiso. Aniga waxay ila tahay in la qiimeeyo oo wixii ku munaasib ah oo loo sameeyo shuruudo oo ciddii buuxisa loo fasaxo ayaan qabaa.”

Dhinaca kale, Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in marka doorashada madaxtinimada Somaliand ee u qorshaynsan badhtamaha sannadka 2015 ay soo dhawaato uu ka dagayo xilalka uu ka hayo Golaha Wakiillada, “Doorashaddu haddii ay timaado oo soo dhawaato waxaan jecelahay in aan xisbigayga ka tartamo oo aan murrashax madaxweyne noqdo, markaa xilka Baarlamanka iyo ta guddoomiyenimadaba waxay ila tahay in aan waqtigii ku habboon ka tanaasuli doono haddii Alle yidhaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaabayey su’aal la xidhiidhay midka uu u go’ayo labada xil ee kala ah; Guddoomiyaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha xisbiga markay doorashada noqoto.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *