madaxweyne siilaanyo1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo), ayaa si lama filaan ah loogu arkay caawa caweyskii Huteelka Emperial oo aan

 

ka fogayn dhismaha Madaxtooyadda Somaliland.
Booqashada Madaxweynaha oo aan laga warqabin ayaa ahayd mid maja-baxsi ah, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo marar hore sidan oo kale sameeyay, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana uu samar meelo kale markii uu gaadhay Huteelka oo uu ku nastay saacado.
Dad ku sugnaa Huteelka ayaa sheegay in ay ku war heleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku sugan halkaa, taas oo dadkii xiliggaa ku sugnaa Huteelka Eprerial, halkaas oo Madaxweynuhu kusoo gaadhay ilaa caweyskii caawa.
Madaxweyne Siilaanyo waxa booqashadiisa gaaban ee uu ku tegey Huteelka Emperial ku weheliyay xubno wasiiro iyo xildhibaano ah. Mana aha markii u horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo lagu arko  goobaha lagu caweeyo iyo shaaracyada, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, balse wuxuu sidan oo kale sameeyay marar baddan oo lagu arkay xili habeen ah dukaamadda iyo Huteeladda waaweyn, ama suuqyada faras-magaalaha.
Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqyada sidan oo kale ee Madaxweyne Siilaanyo sameeyo, ayaa lagu tilmaamaa kuwo xanbaarsan fariimo ka turjumaya nabadgelyada Somaliland iyo kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo ee shacbiga, waana Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland marar badan lagu arko sidan oo kale si lama filaan ah suuqyada iyo goobaha lagu cibaadaysto.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *