Hargeysa(ANN) ayaa soo saartay go’aamo ay ku mamnuucday inay  dadka ajanabiga ahi dalka ka qabtaan shaqooyin  buuxin karaan muwaadiniintu, iyadoo dhamaan lagu war geliyay Shirkaddaha, Hay’addaha , wershedaha, Beeraha iyo hantiilayaasha gurayaha waaweyn ee dalka inay

 

ka digtoonaadaan shaqaaalaysiinta dadka ajaanibka ah ee aan sifo sharci ku joogin dalka.
Go ’ aamadaa oo ay soo saartay maanta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, isla markaana ay ku saxeexan tahay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, waxa kaloo lagu sheegay in shaqooyinka ay muwaadiniintu qaban karaan aan la ogolaanayn inay ka sahqeeyaan dad ajaanib ah, iyadoo lagu qoraalkaa inay ajaanibka sharciga haystaana  soo dalbadaan ogolaansho shaqo, ama ruqsad  shaqo  si loo diiwaan geliyo oo shaqadooda loo qiiimeeyo.  Sidoo kale go’aamada wasaaradda waxa lagu faray Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland iyo Hay’addaha ku shaqo leh inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan kuwa ka dhega adayga go’aamadan, isla markaana ka saaraan dalka.
Qoraalka kasoo baxay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa u qornaa  sidan:-
“Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu markey daristey go’aankii ka soo baxay Xukuumada Somaliland markay taariikhdu ahayd 04/09/2011 ee Ajaanabka sharci darrada dalka ku jooga lagu saarayey.
Markay ku qanacday ahmiyada ay leedahay fulinta, dhaqangalinta iyo hubinta ku dhaqanka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR 31/2004.
Markay aragtey baahsanaanta Shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta iyo ahmiyada loo qabo in muwaadiniinta bilaa shaqada ah shaqo loo abuuro.
Markay ogaatey inay jiraan dad badan oo ajaanab ah oo dalka sharci darro ku jooga ama aan haysan ogolaansho shaqo oo dalka ka shaqeysta hayana shaqooyin badan oo muwaadiintu qaban karaaan.
Waxay soo saartey go’aamadan:
Dhamaan loo shaqeeyayaasha iyo Shaqaalaha Ajaanabka ee sharci darrada dalka ka shaqeysta waxa la farayaa inay u hogaansamaan go’aanka kor xusan.
Wasaaradu iyadoo fulineysa Qododka 32aad ee Xeerka Shaqaalaha Rayidka ee Jamhuuriyada Somaliland Xeer LR-31/2004 oo si cad u tilmaamaya reebbanaanta shaqaaleynta ajaanabka ayaa waxay faraysaa dhamaan loo shaqeeyayaasha sida: Shirkadaha, Warshadaha, Guryaha, Hudheelada, Hay’adaha iyo Goob kasta oo shaqo inay reebban tahay shaqaaleysiinta ajaanabka sifada sharci darrada ah dalka ku jooga ama aan ruqsad shaqo ka haysan.
Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshaddu Dhamaan loo shaqeeyayaasha ay wakhtigan goobahooda shaqo ka shaqeeyaan ajaanibka aan buuxin shuruudaha ogolaanshaha shaqo,  ama aan haysan ogolaansho shaqo waxa la farayaa inay cidii buuxineysa shurruudaha ogolaanshaha dalkana sharci ku jooga u dalbaan ruqsad shaqo si loogu ogolaado,  ama loogu diido, cidii aan buuxineyna kaga joojiyaan shaqada ay u hayaan kuna badashaan muwaadiniinta xaqa u leh iyagoo raacaya dariiqa sharcigu u jideeyey.
Qofka ajaanabka ee loo ogol yahay inuu Somaliland ka shaqeeyo ka dib marka ruqsad shaqo la siiyo waa qof dalka sifo sharci ah ku jooga haystana ogolaansho, islamarkaana shaqada uu qabanayo aan muwaadin qaban kara Somaliland laga helayn, lana xaqiijiyo inay tahay shaqo aanu muwaaddin qaban karin.
dhammaan Shaqaalaha ajaanabka ah ee dalka kaga shaqeysta sifo sharci darro ah ee aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay in la siiyo ruqsad shaqo waxa la farayaa inay dalka isaga baxaan farahana ka qaadaan shaqooyinka ay hayaan.
Waxaa la sameyn doono kormeero lagu hubinayo in la fuliyey go’aankan, cidii lagu helo inay u hogaansami weydeyna waxa lala tiigsan doonaa sharciga iyadoo lala kaashanayo hay’ada ku shaqada leh.
Waxa laga codsanayaa Wasaarada Arrimaha gudaha iyadoo kaashaneysaa laamaheeda amniga sida Booliiska iyo Laanta Socdaalka inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaado cidii aan u hogaansamin awaamiirta la farey, dalkana ka saarto ajaanibta go’aamaddan ka dhago adeyga.” Ayaa lagu yidhi qoraalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ay xukuumadda Somalialnd soo saarto. xukuumadda Somaliland ayaa dhowaan mudo bil ah  u qabatay inay kaga baxaan dalka ajaanibka faraha badan ee ku sugnaa, kuwaas oo aan intooda badani sifo sharci kusoo gelin, balse qaar badan oo ka mid ah ajaanibka ayaa weli ku sugan dalka, iyadoo ay kuwo bishii hore baxayna dib usoo laabteen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *