images/stories/muuqaalka keybalka badda.jpg Mashruuca Isgaadhsiinta iyo gudbinta macluumaadka Internetka ee Keybalka dhinaca Badda ee loo yaqaan (East African Sub- Marine Cable System Project ) oo loo soo gaabiyo fududeeye (EASSy) ayaa hada u muuqda mid ay hadheeyeen muran iyo khilaafaad ka dhashay habka ay wadamada Bariga Afrika iyo Gaanacsatada, ama shirkadaha Isgaadhsiinta ee wadamada uu ku jihaysan yahay uga qayb qaadanayaan maalgashigiisa marka laga yimaado maalgelinta Baanka Aduunka.
Mashruucan oo loo qoondeeyay inay ku baxdo lacag lagu qiyaasay $ 200 Million oo dollarka mareykanka ah , taas oo qiyaastii $ 170 Million noqonayso inta lagu soo jiidayo Keybalka ee lagu soo gaadhsiinayo xeebta, iyadoo $ 30 Million oo dollar ay ku baxayso kulamada lagaga tashanayo hawsha iyo adeegyada mashruucaa lagu maamulayo mudada lagu jiro dhismaha iyo hirgelinta mustaqbalka mashruucaa oo aanay ku jirin qaabka loogu gudbinayo wadamadaa mid kasta nidaamka Isgaadhsiintiisa.
Iyadoo la rumaysan yahay inuu mashruucani si weyn wax uga tarayo bulshada ku dhaqan geeska Afrika iyo wadamada kale ee fursadaa ka faaidaysta dhinacyada dhaqaalaha, shaqooyinka iyo isticmaalka enternetka iyo teloofoonada oo qiimahoodu aad u hooseeyo, isla markaana tayadoodu sarayso iyo xaqiijinta ku xidhnaanta caalamka ee nidaamka golobasayshinka isku xidhka Aduunka.
Mashruucan oo ay maalgelinayaan Baanka Aduunka iyo Hay”ado, ama Ururo caalami ah waxa la saadaalinay bilawgii inay ka qayb qaataan shirkadaha wadamadaa ee dhinaca Isgaadhsiinta iyo ganacsatada u dhalatay dalalkaas oo ay maalgashi ku sameeyaan. Laakiin marxalado badan iyo duruufo ku xeernaa ayaa abuuray jiitan.
Hindisaha qorshaha mashruuca Keybalka Badda hoosteeda ee la doonayay in Afrika lagu soo wareejiyo wuxuu ahaa mid sannadii u danbeeyay soo socday, waxaana sannadkii 2002 lasoo gebagebeeyay mashruuca keybalka SAT3/WASC, kaas oo ay isticmaalayaan 11 wadan oo galbeedka Afrika ah, kuwaas oo shan ka mid ahi yihiin kuwa laysku yidhaahdo ECOWAS. Laakiin wadanka Angola oo keliya ayaa lagu xidhay Optic Fibre submareine Cable, halka wadamada Congo (DRC), Congo Republic Central Africa (CAR) ay yihiin shanta xubnaha ka ah GLR.
Sidoo kale Economic Community of Central Africa States oo loo soo gaabiyo (E CCAS) ayaan iyagu weli helin adeegaa mashruuca, inkasta oo ay jireen codsiyo ay ku dalbanayaan inay ka qayb qaataan mashruucaa si ay uga faa’idaysteen wadamadaasi. Balse waxa jiray dib u eegistii mashruuca Keybalka uu maalgelinayay Baanka Aduunku ee EASSY fududeeyaha in lagu xidhiidhiyay Optic Fibre, iyadoo ay ka qayb qaateen shirakado gaar loo leeyahay lagu xidhiidhiyay Keybalka xadhkaha SAT3/WASC/SAFE, kaas oo ujeedadiisu ahayd in laysku xidho Afrika, Asia Iyo Yurub, isla markaana qorashahaasi yahay Optic Fibre System ay awoodiisu sarayso oo door mihiim ah ka qaadanaya horumarka, waxaana la bilaabay qorshaha mashruucaa EASSy oo Africa oo dhan lagu soo wareejiyo, iyadoo ay iska kaashadeen daraasado mashruucaa lagu hirgelinayo koox ka socotay Baanka Aduunka (World Bank Group), Bangiga Houmarinta ee Koonfur Afrika ( Development Bank of South Africa), Hay’ada Horumarinta ee Faransiiska (Agence Francaise de Development) ee loo soo gaabiyo (AFAD) oo kaashanaya Hay’ada ka qaybqaadashada horumarinta Afrika ee NEPAD (New Partnership for Africa’s Development) oo la sameeyay 2001.
Waxaana waqtigaa saxeexay qoraalka xusuusta fahamka mashruucaa labaatan wadan shirkadohooda Isgaadhsiinta iyo kuwo gobolo ka socday, iyadoo ay ka mid ahaayeen
1- Botswana Telecommunication Corporation
2-Dalkom Co LTD (Somalia)
3-Djibouti Telcom
4- Ethiopia Telecom Corporation
5-Kenya Data Networks
6- Malawi Telecom
7-MTN Uganda
8-Ontel Burundi
9-Ruwanda Telecom
10-Satcom Ltd
11-Sentech South Africa
12-Sudan Telecom Ltd (Sudatel)
13-TDM Mozambique
14- Telecom Burundi
15-Telecom Malagasy
16- Telecom Kenya
17-Telecom South Africa
18-Telecom
19-Zanzibar Telecom
20- Zambia Telecom (Zamtel).
Inkasta oo wadamada gobolka ee mashruucaa danaynayay qaarkood bilaabeen qorshayaashoodii ka dib markii ay buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa, isla markaana ay saxeexeen heshiiska fahamka mashruucaa waxa hadana jirta in wadamada qaarkood dib uga laabteen markii ay kasoo bixi waayeen shuruudaha ku xidhan mashruucaa oo ay ka mid yihiin arrimaha amaanka iyo isku xidhnaanta isgaadhsiinta ka jirta wadankaa inay tahay mid ka diiwaan gashan Ururka Isgaadhsiinta Caalamiga ah, iyadoo guddiyo kala duwan loo qaybiyay ka qaybgalka shirkadaha iyo wadamada doonaya inay ka qayb qaataan mashruucaa, kuwaas qiimayn iyo baadhitaan ku samaynaya qorshayaasha shirkadaha, ama ganacsatada wadamadaasi gudbiyaan oo shuruudaha looga baahanyahay laga xusi karo qaab xisaabeedkooda iyo doorka ay ka qaateen horumarinta adeegyada bulshada deegaamada ay ka shaqeeyaan kadibna go’aan uga qaadanaya.
Qaar badan oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee isgaadhsiinta aduunka, kuwa wadamada mashruucani ku jihaysan yahay iyo ganacsato u dhalatay dalalkaa ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa inay ka qayb qaataan mashruucaa, isla markaana waxa jira ismaandhaaf ka dhashay qorshayaal ay wateeen qaar ka mid ah shiradaha iyo ganacsatada wadamadaa qaarkood iyo masuuliyiinta ka taliyaa, kuwaas oo hindisayaasha ay ku doonayeen inay kaga qayb galaan maalgashiga iyo qorshaha mashruucan ee Baanka Aduunku u shexeeyay maalgelintiisa is khilaafeen, tusaale ahaan wadamada dhulkii ay ka talin jirtay dawladii Soomaaliya waxa uu Baanka Aduunku u qorsheeyay in Keybalka looga jiido dhinaca Magaalada Muqdisho, taas oo ay ganacsato u dhalatay dhinaca Somaliland dedaal ugu jirtay in dhinaca magaalada Berbera ee Xeebta Badda Cas loosoo mariyo, iyadoo dawlada Djabuutina danaynay in dalalka Ethopia iyo gebi ahaanba Soomalia dhinaca wadanka Djabuuti looga jiido Keybalka, Deegaanka lagu magcaabo Haramuus oo duleedka Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djabuuti ah, iyadoo doonay in halkaa la dhigo xadhkaha loo yaqaan ( Fibre Optic) oo sida timaha oo kale ah, isla markaana xanbaarsan qiyaastii 320, ama 640Gb/s, kuwaas oo tobankii Tin ama, dhawrkii Tin (Fibre Optic) lalinayaan in ka badan 10Gb/s, isla markaana loo qorsheeyay nidaamkaa 25 sannadood inuu cimrigiisu ahaado.
Mtunzini oo ku taala xeebta Bariga Koonfur Afrika ilaa Badda Cas ee Port Sudan oo ku taal Bariga Afrika oo lagu qiyaasay masaafo gaadhay 8.840km ayaa loo qorsheeyay in geeyo Keybalka laga soo jiiday Koonfur Afrika, kaas la doonayo in lagu xidho keybalka Badda ee Yurubta iyo Aasiya (European/ Asian Optic Fibre), iyadoo loo qorsheeyay siddeed wadiiqo, ama goobood oo looga gudbiyo dhinaca Beriga oo loo calaamadiyay siddeed wadan, kuwaas oo kala ah, Mtunzini (South Africa), Maputo (Mozambique), Toliary (Madagascar), Dar-es-Salaam(Tanzania), Mombassa (Kenya), Mogadisho (Somalia), Djibouti (Republic of Djibouti), Port Sudan (Sudan) . Laakiin qorashihii loo calaamadiyay in Muqdisho looga jiido si gebi ahaanba dhulka Soomaalida loo gaadhsiiyo ayaan ilaa hada suurta gelin. Ka dib markii ay hadheeyeen murano la xidhiidha tartan shirkado ganacsi iyo loolan, isla markaana ay soo waajaheen duruufaha ka jira Somalia ee dhinaca amaanka Berriga iyo Badduba,kuwaas oo ka hor imanaya shuruudaha qorshayaashaa maalgelinta Baanka Aduunka ee mashruucaa, iyadoo ay u dheertahay jiritaan la’aanta siyaasad isgaadhsiineed oo isku xidhan iyo qorshe midaysan oo aan ka jirin gebi ahaanba maamulada ka jira Deegaamada Soomaalida iyo shirkadaha ka hawlgala oo aan buuxin waayay shuruudaha bilawga maalgashiga mashruucaa loo baahnaa.
Sidoo kale mudadii uu soo jiitamayay mashruucan (EASSy), soo baxayay abaabulo kale oo ay ganacsato iyo qaar ka mid ah hogaaminayaasha geeska Bariga Afrika ku doonayeen inay kaga qayb qaataan qandaraasyada mashruucaa, kuwaas oo samaytay magacyo shirkado iyo Company aan hore u jirin, balse waxa suurta gal noqonweyday inay buuxiya an shuruudaha ku xidhan mashruucaa.
Shebkada araweelonews.com ayaa qoraaladan faaqidadaa ah ee ay ku daah furay isgaadhsiinta dhinaca Badda ee mashruuca EASSY si ay wax uga iftiimiso soo bandhigtay May 2010, waqtigaa oo uu socday loolan kaanbeyn siyaasadeed oo la doonayay in looga faaidaysto iyadoo ay jireen sheekooyin dhinaca ganacsatada ku loolamaysay iyo maamulkii kooxda Rayaale ugu sheegayeen dadka in Keybalka laga soo duwi doono dhinaca magaalada Berbera, balse xaqiiqdu ay sidaa ka duwanayd, isla markaana ay shebekada Araweelonews iyadoo ka duulay xogaha iyo macluumaadka Dukumentiyada ay heshay iftiimisay qorshaha mashruucaa iyo shuruudaha ku xidhan fulintiisa loolanka dawladaha, shirkadaha dilaaliinta iyo ganacsatada. Sidaa awgeed sheekada mashruucaa Keybalka badda oo maalmihii u danbeeyay warbaahinta Somaliland qaarkood lagu baahinayay qoraalo iyo sheekooyin indha La,aan ah oo ku saabsan isgaadhsiintaa dhinaca badda ayaanu akhristayaasha shebekada xusuusinaynaa xaqiiqda mshruucaa, iyadoo shebekada araweelonews.com May 2010 baahisay faaqidaadamashruucaa, iyadoo warbaahinta Somaliland waqtigaa oo soo xiganaya qoraaladaa araweelonews daabaceen. Sida shebekadaha Berberanews.com gabiley.net.
Lasoco qaybta kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com