Berlin (Araweelo News Network) Hay’ad ilaalisa musuq-maasuqa oo caalamiya ayaa soo saartay warbixin iyo baadhitaano lagu oggaaday wadamada dunida ugu musuq-maasuqa badan, kuwaas oo ay Somalia ka gashay kaalinta koowaad.
Dalalka Syria, Koria iyo Afghanistaan ayaa iyaguna warbixinta lagu sheegay in ay safka hore ka galeen kaalinta Musuq-maasuqa, iyadoo Syria iyo Afghanistaan ay hadheeyeen dagaalo iyo sika hor imaadyo daba dheeraday, kuwaas oo ay sabab u yihiin loolanka iyo awooda xukunka.
Warbixin dhowr bog ka kooban ayaa sido kale lagu falanqeeyay dowladaha ugu liita caalamka ee caanka ku ah ku xadgudbka muwaadiniintooda iyo waxisdaba marinta sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay wadamada dhinacacmaamulka ugu wanaagsan caalamka, kuwaas oo inta badan warbixintu sheegtay in ay yihiin wadamada New Zealand , Denmark iyo kuwa laysku yidhaahdo Scandinavian-ka ee qaaradda Yurub, iyadoo dalka Maraykanka ee United States uu galay kaalinta 19 dhinaca musuq-maasuqa.
Dhinaca dalalka iyo dowladaha Carbeed ee ugu musuq maasuqa badan caalamka waxaa kaalinta 1-aad ee la siiyay Soomaaliya ka sokow ku xiga Suuriya,Ciraaq,Liibiya iyo Suudaan, halka dalalka ay kamid yihiin Tuunis iyo Yemen la sheegay in ay musuq-maasuqa kasoo kabanayaan waloow wali uu kajiro.
Mas’uulka ugu sareeya Hay’adda soo saartay warxbixintaa oo magaciisa lagu sheegay Robert Barrington, isla markaana agaasime ka ah Hay’adda ayaa sheegay in marka si guud loo qiimeeyo caalamka sedax wadan ee ugu musuq- maasuqa badan ay kala yihiin Afghanistan,Waqooyiga Kuuriya iyo Soomaaliya, kuwaas oo jebiyay rikoodhka musuq-maasuqa qiimaynta la sameeyay sanadkan 2013.
Sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Carabta, kuwa afrida galbeed iyo Central Afrika ayaa warbixintu sheegtay in qaarkood inkasta oo ay hadheeyeen faqri sida Ruwanda ay hadana diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa, balse marka si guud loo eego warbxinta waxa lagu sheegay in gebi ahaanaba Afrika ay tahay meelaha ugu musuq-maasuq badan dunida, taas oo caqabad ku noqotay horumarka bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Dhinaca kale warbixinta ayaa kusoo beegantay maalmo ka dib markii uu si weyn ugu soo shaacbaxay warbaahinta caalamka khilaaf u dhexeeyay Masuuliyiinta dawlada Somalia iyo Midawga Yurub oo ku tilmaamay kuwo ka beensheegaya caawimooyinka iyo dhaqaalaha lagu caawiyo Somalia oo ay sheegeen in aan xukuumadda Federaalka Somalia lagu aamini Karin.
“Midowga Yurub wax aan ballanqaad ahayn kama hayno marwalba oo ay nala kulmaan malaayiin dollar ayay noo balanqaadaan wax kafulay balantooda majirto”ayay tidhi Fosiya Yuusuf Xaaji.
Sidoo kale warbixinta oo umuuqata mid daba socotay arrimaha canbaaraynta iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda Somalia iyo Midawga Yurub ayaa kusoo beegantay wax ka yar dhawr todobaad markii ay xilka iskaga tagtay Gudoomiyihii Bankiga Somalia Yusur Abraar oo mudo yar xilka haysay, waxayna sababta is casilaadeeda ku tilmaantay musuq-maasuq iyo maamulxumo ka jirta dawlada Federaalka Somalia.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com