Hargeysa(Araweelo News Network) Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo ee nabad-diidka ah, ayaa ka dhawaajiyay inuu dagaal ku qaadayo

 

fadhiisimada ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida hore.

Galaydh, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Barnaamijka Martida Mikirifoonka ee Idaacada VOA qaybteeda Afsoomaliga 16 August 2014, “ Waxaan joognaa Tuulo yar oo la yidhaahdo Saax-dheer oo xadka ka baxsan, waxaan doonayaa in aan maamulkayga ka hirgeliyo dhamaan dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn, magaalo madaxdayda maamulkaygana waa Laascaanood oo hada ii jirta wax yar 60km,  meesha aan u socdaana waa taas, waxaana kuu sheegayaa in aad maqli doonto dhaqso oo aad markhaati ka noqoto Somaliland ciidamadeedu masii joogi doonto Kalabaydh iyo Laascaanood.” Ayuu yidhi.

“Maamulkayaga IGAD iyo beesha caalamka ayaa nagu taageeraya, yoolkayaguna waa dhulkayaga, Anagu xamar aqoonsi kama rabno, ictiraafka xamar waxa nagala weyn dhulkayaga oo aanu xorayno, mana aha wax aan qarinayno, shacbigayagan lama cabudhin doono, ummadana horay u dagaalami jireen, SNM, Ciidamadii Maxamed Siyaad Bare oo ahaa ciidamada afrika ugu fiican ayay u babac-dhigeen, iyagoon hubna haysan inkasta oo ay dalka debada kaga soo duulayeen, anaguna dalka gudihiisii ayaan joognaa Laascaanood-na 60km ayay noo jirtaa” ayuu yidhi Cali Kahliif Galaydh oo la weydiiyay sida maamulka uu sheeganayaa suurta galka u yahay, kaas oo aan laga ogolayn Somaliland iyo Puntland, isla markaana aanay dawlada Somalia aqoonsanayn oo aanu xataa waafaqsanayn nidaamka Federaalka.

“Waajibkayaga koowaad waa inaan dalka Xorayno, xamar waxa nagala weyn waajibkayaga koowaad oo ah inaan dalka xorayno, anaguna ka sugimayno aqoonsi. Saax-dheer iskama joogno, waxaana balanqaadaynaa in aanay ciidamada Somaliland sii joogin Sool” ayuu yidhi. Galaydh.

“Xasan Sheekh (Madaxweynaha Somalia) kama filayno aqoonsi hadduu gobolada kale oo dhan aqoonsado, Puntland waxa noo bilaabmay wadahadal, laakiin Somaliland telefoono iyo Oday dhaqameedyo mooyee wadahadal toos ah oo noo dhexeeyaa ma jiro. Somaliland waxa sadexdii sanadood ee u danbeeyay na dhexgalay Ethiopia iyo Maraykanka marar badan in ay na wada hadalsiiyaan Somaliland mar walba iyaga ayaa diiday” ayuu yidhi isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay rajada uu ka qabo dawlada Xasan Sheekh iyo sababta uu dagaal iyo colaad ugu baaqayo ee dhinaca nabada uu hankiisa siyaasadeed ugu mari waayay, taas oo uu weydiiyay Weriye Cabdicasiis Xuseen oo daadihinayay Barnaamijka Martida Micirofoonka ee Idaacadda VOA.

Araweelo News Network
Hargeisa Somaliland
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *