Hargeysa(Araweelo News Network)Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ku hanjabaad iyo digniin u jeediyay warbaahinta iyo dadka caadaystay in ay dhaliilo aan jirin iyo ceebayn u jeediyaan

 

Hay’addaha garsoorka dalka oo uu sheegay in  ay tallaabo ka qaadayaan.

Guddoomiye Yuusuf, wuxuu sidaa ka sheegay kadib hadal uu ka  jeediyey kulan muddo shan maalmood ah ka socday hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, kaas  oo lagaga hadlayey xeerka nidaamka anshax-marrinta garsoorka, waxa uu sheegay in hay’adaha garsoorku diyaar u yihiin wixii dhalliilo sax ah ee jira in loo tilmaamo, waxna ka qaban doonaan tabashooyinka laga tirsado waaxda garsoorka, wuxuuse ku hanjabay in aanay u dul-qaadan doonin ceebaha iyo cambaaraynta dad dano gaar ah leh u jeediyaan garsoorka.

“Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa in garsoorka Somaliland yahay garsoor isku kalsoon, taasoo aan uga jeedo in aannu ku niyad jabayn inta xumaha ka shaqaysa amma waxa xun faafisa, caddaaladduna tahay mid naga go’an in aannu marno annagoo qawaaniinta waddanka u yaal iyo shareecadda islaamka ku shaqaynaynnaa. Waxaan leeyahay garsoorka Somaliland kuma niyad jabayo hadal jaraa’id la isaga qoro, kuma niyad jabayo laba qof oo inta loo gar-naqay kii wax dulmiyey inta uu saxaafadda tago, koox kalena helo wuxuu doonayo ku hadlayo, umana jawaabayno oo jawaabteennu waa go’aan iyo sharciga oo aynnu ku dhaqanno.”

“Yaan loo qaadan in garsoorku is-difaaci kari la’yahay. Waxa jira wax badan oo aannu ka yaqyaqsoonaynno in aannu dhex-galno amma u jawaabno dad si xun u dhaliilaya garsoorka. Waxaan leeyahay garsoorku dhinaca kale cidna il-haanno kama aqbalayo, qofna kama aqbalayo inuu iska caayo garsoorka, waax kale oo maamulna kama aqbalayo, ceebna kalama kulanno waaxda fulinta iyo waaxda xeer-dejintaba, waxaanse leeyahay dadweynaha saxaafadda waxay doonaan kaga hadlaya inuu dalka ka jiro isla-xisaabtan la iskula xisaabtamayo wixii xun iyo caydaba, mana jiro qof ka macsuum ah ama ka dhawrsoon ilaa saxaafadda hadday tahay, xeer ayaana inoo dhexeeya wixii dambi ah lagu qaadayo, sida cayda afka ee qof loo geysto dambi u tahay, ayaa qallinkuna dambi u yahay haddii qof amma cid lagu caayo, xeerka ciqaabta guudna qof macsuun ka ah oo la yidhi qofkaas dambi ma qabanayo ma jiro.”

Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil, waxa uu intaa sii raaciyey in hay’adaha qaranku yihiin qaar kala madaxbannaan, isagoo xusay in aanay waaxda fulinta oo xukuumadda ah iyo xeer-dejintu wax farogelin ah ku hayn bahda garsoorka.

“Waxa go’aan ah inaan ka hordhaco, kana codsanayo saxaafadda, kuwa websiteska leh, wargeysyada in garsoorku wuu madaxbannaan yahay oo dastuurka dalkeenna sidaa ayaa ku cad.

 

Qaranka Somaliland wuxuu yahay saddex waaxood oo kala madaxbannaan oo kala ah; Waaxda Fulinta (xukuumadda), Waaxda Xeer-dejinta (Baarlamaanka) iyo Waaxda Garsoorka. Waxaan leeyahay waaxda fulinta iyo waaxda xeer-dejinta wax farogelin ah kama aragno, markaa waxaan leeyahay dadweynaha iyo saxaafaddu yaanay farogelin garsoorka iyo hawlaha garsoorka ee maxkamadaha hortooda yaal. Xukunno ayaa soo baxaya oo garo ayaa la qaadayaa, dadka oo dhanna kama wada farxiyaan. Labada qof amma dhinac ee loo garqaadayo ayey khuseeyaan. Doorka qudha ee dadweynaha amma qaybaha kale ee bulshadu ku leeyihiin garsoorku waxa weeye inay helaan dacwado dhegaysigoodu furan yahay oo laga qaybgeli karo, taasina waa wax mar walba dhaqan u ah garsoorka Somaliland, marka laga reebo inta xeerku ka reebayo ee akhlaaqiyaadka u xun, dadweynaha dhegahooduna inay maqlaana aanay ahayn, sida kufsiyada oo kale,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu tilmaamay in xorriyadda saxaafadda iyo qallinku leeyihiin xad aan loo ogolayn inay ka gudbaan, isagoo xusay inay garsoor ahaan jecel yihiin, ilaaliyaanna in aan saxaafadda lagu qabsan mihnaddooda iyo fikirka saliimka ah ee ay gudbiyaan, waxaannu yidhi; “Qallinku xad ayuu leeyahay, waana la oggolyahay xorriyatul-qawlka. Dhaliisha saxda ah waa la oggolyahay in si asluub leh loo sheego iyadoon lagu gefayn xorriyadda iyo sharafka cidda kale ee wax laga sheegayo, hadduu masuul yahayna wayba ka sii culus tahay, hadduu qof shicib ah yahayna way ka sii culus tahay. Annagu waannu jecelnahay, waanan ilaalinayaa in aan saxaafadda mihnadda ay hayaan iyo fikirka salliimka ah lagu qabsan, lagumana degdego.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku ammaanay inay dawladiisu tahay dawlad waxqabad, “Madaxweynuhu garsoorka dhismihiisa wuu noo oggolaaday. Dawladdu waa mid waxqabad oo runtii intii cimrigeedu jiray wax ka badan qabatay,” ayuu Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali.

Araweelo News Network

Hargeisa Somaliland Office

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *