Haergeysa(Araweelo News NetworK)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa saaka subaxnimadii hore safar kedis ah ugu baxay

dhinaca magaalada Boorama.

Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaya wefdi wasiiro ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo labada gole ayaa ujeedada safarkiisu ahayd inuu ka qaybgalo Qalin-jabinta Jaamacada Amoud University oo ay maanta ka qalinjebisay Dufcadii 13aad ee dhamaysta waxbarasho jaamacadda Amoud ah, kuwaas  oo taradoodu ahayd, 621 Arday.


Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan raxan wasiirada xukuumaddiisa ah, wuxuu ka hor intii aanu saaka ka qaybgelin munaasibadaa safarkiisa kusii maray magaalada Gabiley oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey, wuxuuna  u dhaafay  Degmada Kala-baydh oo caleemo qoyan iyo Calanka Somaliland lagu soo dhoweeyay.


Madaxweyne Siilaanyo, waxa kale waxa uu soo dhowayn kala kulamay  ka hor intii aanu gadhin Boorama Magalada Dilla, isagoo markaa ka dibna u gudbay Magaalada Boorama oo si weyn loogu soo dhoweeyay, wuxuuna ka qaybgalay munaasibada sida weyn looga sugayay ee Jaamacadda Amoud.

Madaxweyne Siilaanyo oo shahaadooyin gudoonsiyay Ardayda, ayaa hadal uu ka jeediyay halkaa kula dardaarmay inay ku dedaalaan sidii ay aqoonta ay barteen dalka ugu faaiidayn lahaayeen, isla markaana ay ogaadaan inay yihiin mustaqalka beri iyo maantaba ee dalku eeganaayo  iyo in ay yihiin Ubaxii nasiibka u helay inay dalkooda hooyo ku qalinjiebiyaan, wuuxuna Madaxweyne Siilaanyo u mahadnaqay macalimiintii sharafta iyo qiimaha lahayd ee Ardaydaa wax soo baratay.


Afar ka mid ah Ardayda ayaa ku cusbayd munaasibada sidan oo kale Jaamacada Amoud hore u qabatay ee ay uga qalinjebiyeen Dafcadihii hore, waxayna Afartaa Arday oo ka mid ahaa dhawrka Boqol ahaayeen Dhegoolayaal, kuwaas oo qudbado ka jeediyay munaasibada.


Markii ay dhamaatay munaasibada Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu dhagax dhigay Mashaariic uu xadhiga ka jaray oo laga hirgeliyay Magaalada Boorama iyo kuwo uu dhagax dhigay oo ay ka mid yihiin Wershedda  Tamarta la kaydiyey ee hawada ah, taas oo haddii lagu guulaysto 100% dhamaystiri doonta baahiyaha kala duwan ee shacbiga Magaalada Boorama iyo wadada isku xidha Suuqa ilaa Guriga martida oo Madaxweynuhu dhagax dhigay. Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa dib ugu loo soo laabtay Magaalada Hargeysa oo ay kusoo hoydeen caawa.

Araweelo News Network

Hasgeisa Somaliland

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *