Hargeysa(Araweelo News Network) Siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland ee hore ugu bahoobay Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa

 

\sheegay inay bedeleen magaca ay hore ula baxeen ee Golaha wadatashiga iyo Toosinta. Kadib markii xukuumuuddu tafsiir khaldan ka bixisay, sidanaa waxa shaaca ka qaaday  xubhana hormoodka u ah  siyaasiyiinta golahaa oo saxaafada la hadlay shalay.

Muj. Xasan Guure Jaamac oo ah gudoomiyaha kooxda siyaasiyiinta ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin mawqifkoodii, balse keliya ay bedeleen magacoodii hore, isla markaana ay ku bedeleen  “Madasha Wadatashiga iyo Toosinta” .

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Muj. Xasan Ciise Jaamac  iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, kuwaas oo si weyn u dhaliilay siyaasada arrimaha debeda iyo shirarka la xidhiidha wadahadalada dawlada Somalia ay xukuumadda Somaliland la yeelatay, kuwaas oo ay sheegeen inay hada cadaatay inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo wado qorshe federal ah oo Somaliland lagu hoos geynayo Somalia.

Eng. Maxamed Xaashi Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa sheegay in wadahadalada aan wax qorshe ah lala tegin, balse lagu hanbaabiro marka diyaarada la raacayo oo keliya, wuxuuna xusay in kuwii hore natiijadoodii la arakay, kuwa hada hadhayna aanay ahayn kuwo laga filayo rajo fiican. Sidaa awgeed loo baahanyahay in ummadda  Somaliland ka hortagto si aan masaykeeda la khiyaameyn.

Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo gudi qaran oo wadahadalka ka hawlgala, si loo helo qorshe cad oo lala tago madasha.

Xubnaha siyaasiiyinta ayaa sheegay in magaca sababta ay u bedeleen ay tahay kadib markii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tafsiir khaldan ka bixisay, isla markaana waxay xuseen in salaadiin dhowaan kulamo la yeeshay shuruuda keliya ee ay ula yimaadeen ahayd in ay magaca bedelaan. Sidaa darteed aanay jirin shuruud kale oo lagu xidhay.

info@araweelonews.com

jaamac132@gamil.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *