Sixiroole Caan Ka Ahaa Deegaanka Jilib Oo Dadka U Adeegsan Jiray Xayawaanka Oo Dil Lagu XukumayJilib(Araweelo News) Maxkamad Al-shaabab maamusho ayaa  deegaanka Kabsuuma ee Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia ku xukuntay maanta Nin ku shaqaysan jiray mudo dheer Sixirka oo deegaankaa Caan ka ahaa.

 

Ninkaa oo aan magaciisa la shaacin, isla markaana dadiisa lagu sheegay 50 jir, ayaa lagu eedeeyay inuu mudo deegaankaa kaga shaqaysanayay sixirka, isagoo dilay ilaa tobaneeyo qof, kuwaas oo sida lagu eedeeyay uu u adeegsaday sixirkaa.

Ninka lagu eedeeyay sixirka ayaa dadka deegaanka khaatiyaan ka dhigay, isagoo sixirka u adeegsan jiray Bisado, Masas, Yaxaaska Webiga, Jiirka iyo Xayawaano kale, kuwaas oo uu ku salidi jiray dadka marka ay diidaan waxa uu ka codsado, ama uu sanifo.

Deegaanka Jubooyinka ayaa ah meelaha sixiroolayaasha ugu badani ku nool yihiin Somalia, waxaana xiligii kacaanku ka dhashay  Somalia 1969 lagu dilay sixiroolayaal badan, kuwaas oo gaadhay boqolaal, balse kacaankii Milateriga ahaa ee Somalia ka dhashay waqtigaa qoorta ka jaray.
Deegaanka Kasuuma iyo Jamaame ayaa ka mid ahaa meelaha sixiroolayaasha waqtigaa Kacaankii Maxamed Siyaad Bare ku laayay, iyadoo Deegaanka Kasuuma oo ah duleedka Jilib uu taariikh ahaan leeyahay hal ku dheg caan ah oo ahaa “ Ama Kurkaa ku dhaaf, ama Kun Yaasiin ku dhaaf’, taas oo looga jeeday iyadoo ay waqtiyo hore ku noolaayeen dad sixirka iyo ugaadhsiga dadka ku mamay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *