Prof Axmed Ismaciil SamatarHargeysa(Araweelo News Network) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah Aqoonayahan muda dheer indhaha ka lalinayay xaqiiqda iyo waaqica dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo Somalia ayaa maanta kusoo laabtay. Kadib markii  uu

 

dhowaan bedelay mawqifkiisii hore iyo Muraayadihii uu mudada dheer ku eegayay Somalia.

Prof. Samatar  waxa  uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho xaqiiqo raadin, isla markaana ay isaga iyo kooxda la socota u qorshaysantahay inay  socdaal ku maraan Magaalooyinka Somaliland oo dhan, taas oo uu ku tilmaamay mid uu doonayo inay ku ogaadaan xaqiiqda ka jirta Somaliland.

Aqoonayah Samatar wuxuu u mahad naqay  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo sida uu sheegay Marti qaadka  u fidiyay,  waxaa kale oo uu mahadnaq u diray Safiirka Somaliland ee Wadanka Kenya Mr. Sifir, kaas sida uu sheegay door Mugleh ka qaatay imaatinkiisa Somaliland.

Sidoo kale wuxuu u mahadnaqay Wasiirada Madaxtooyada iyo Kalluumaysiga, wuxuuna, isagoo shucuurtiis iyo dareenkiisa farxad laga dareemayo  sheegay inaanu ereyo uu ku Muuneeyo ku sheegi Karin Madaxdii iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa oo uu ku faraxsan yahay imaatinka dalkiisa Hooyo.

Prof. Samatar markii uu diyaarada ka soo degay, wuxuu sujuud dhigay dhulka, waxaana si weyn usoo dhoweeyay Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirrada, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Siyaasiyiin, Aqoon yahano,Madaxdhaqameedyo, iyo Qaybaha Bulshada, kuwaas oo maanta si diiran ugu soo dhaweeyay Madaarada Magaalooyinka Berbera iyo Hargaysa.

Aqoonyahanka Samatar  ayaa maalmihii u danbeeyay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa iyo meelo kale lagu arkayay boodhadh lagu xardhay magaciisa oo loogu muujinayay sida loogu diyaargaroobayo soo dhowayntiisa.

Dhinaca kale Aqoonayahan Samatar waxa uu ka mid yahay xubno aqoonyahano kooban oo la filayo inay qayb ka noqdaan isku shaandhayn iyo dib u habayn si weyn loo hadal hayo inay suurta gal tahay in Madaxweyne Siilanyo ku sameeyo xukuumaddiisa, waxayna tibaaxaha iyo xoggaha isa soo tartayay ee ku saabdan suurta galnimada in uu ka mid noqdo xukuumadda la hadal hayo kusoo beegmeen socdaalkiisa uu muda dheer ku yimaado dalka iyo mawqifkiisuu hore ee Soomaali weynta oo wax iska bedeleen sida uu dhowaan ka dhawaajiyay.

Prof. Samatar iyo xubnaha kale ee la filayo saadaasha iyo Faallooyinka laga bixiyay halkan ka akhri.

E-mail jaamac132@gmail.com
info@arraweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *