Jilib(Araweelo News) Maxkamad Al-shaabab maamusho ayaa deegaanka Kabsuuma ee Jubbada Hoose ee Koonfurta Somalia ku xukuntay maanta Nin ku shaqaysan jiray mudo dheer Sixirka oo deegaankaa Caan ka ahaa.
Ninkaa oo aan magaciisa la shaacin, isla markaana dadiisa lagu sheegay 50 jir, ayaa lagu eedeeyay inuu mudo deegaankaa kaga shaqaysanayay sixirka, isagoo dilay ilaa tobaneeyo qof, kuwaas oo sida lagu eedeeyay uu u adeegsaday sixirkaa.
Ninka lagu eedeeyay sixirka ayaa dadka deegaanka khaatiyaan ka dhigay, isagoo sixirka u adeegsan jiray Bisado, Masas, Yaxaaska Webiga, Jiirka iyo Xayawaano kale, kuwaas oo uu ku salidi jiray dadka marka ay diidaan waxa uu ka codsado, ama uu sanifo.
Deegaanka Jubooyinka ayaa ah meelaha sixiroolayaasha ugu badani ku nool yihiin Somalia, waxaana xiligii kacaanku ka dhashay Somalia 1969 lagu dilay sixiroolayaal badan, kuwaas oo gaadhay boqolaal, balse kacaankii Milateriga ahaa ee Somalia ka dhashay waqtigaa qoorta ka jaray.
Deegaanka Kasuuma iyo Jamaame ayaa ka mid ahaa meelaha sixiroolayaasha waqtigaa Kacaankii Maxamed Siyaad Bare ku laayay, iyadoo Deegaanka Kasuuma oo ah duleedka Jilib uu taariikh ahaan leeyahay hal ku dheg caan ah oo ahaa “ Ama Kurkaa ku dhaaf, ama Kun Yaasiin ku dhaaf’, taas oo looga jeeday iyadoo ay waqtiyo hore ku noolaayeen dad sixirka iyo ugaadhsiga dadka ku mamay.