kulmiyeflag
Hargeysa(Araweelo News Network)Shirweynaha mudada dheer soo jiitamayay  ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeysa maalinta berry. kadib markii lasoo

 

gebagebeeyay diyaarinta iyo isku dubaridka ergooyinka ka qaybgelaya oo gaadhaya tiro ka badan Kun qof, kuwaas oo ka kala imanaya degmooyinka iyo gobolada dalka oo dhan.
uu ku muddo-dhaafay tiraba dhawr jeer oo uu hore dib uga dhacay waqtiyadii loo qoondeeyey.

Shirweynaha Kulmiye oo ah kii sadexaad ee uu qabsado Xisbiga Kulmiye waxay qabanqaabadiisu socotay mudo dheer, iyadoo ay jireen dib u dhacyo ku yimi marar badan, kuwaas ay sabab u ahaayeen duruufo kala duwan iyo khilaafyo xallintoodu adkaatay, isla markaana ragaadiyey qabashadiisa, balse ugu danbayntii laga gaadhay xal.

Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye ayaa ceeryoontay maalmihii u danbeeyay, waxaana buux dhaafiyay Boqollaal ka mid ah ergooyin tiradoodu ka badan tahay kun qof oo loogu talogalay inay ka qaybgalaan shirweynaha loo qorsheeyay in uu maalinta beri ka dhaco Hoolka weyn ee Huteel Maansoor.

Mudadii lagu jiray diyaarinta hawsha  iyo diiwaangelinta iyo u samaynta kaadhadhka aqoonsigooda, waxa laga dareemayay xarunta xisbiga buuq iyo sawaxan ka dhashay qaabka ergooyinka oo qaybintooda deegaamada qaarkood saluugeen. Kadib markii lagu qaybiyay hab aan hore loogu qaybin saamiyada ergooyinka shirarkii ka horeeyay shirweynaha sadexaad oo hadda lagu qoondeeyay saamiyo beelo, taas oo dib u dhaca shirku fursad u siiyay cabashooyinka isa soo tarayay maalmihii u danbeeyay.

Waxa la filayaa inuu shirweynaha sadexaad ee Kulmiye oo soconaya laba maalmood ku furmo jawi degan oo aan xamaasad siyaasadeed lahayn, taas oo ay sabab u tahay iyadoo aanay jirin loolan siyaasadeed oo lagu tartamayo hogaanka xsibiga, taas oo meesha laga saaray kadib markii siyaasiyiinta iyo madaxda xisbiga ka hor intii aan la cayimin shirweynaha heshiis ku gaadheen in aan lagu dooran hoggaan cusub ee ay talada sii hayaan xubnihii hore, taas oo loo arkay mid uu ku jiro xalka xisbiga kadib muran iyo loolan siyaasadeed oo kahatar geliyay xisbiga, balse ugu danbayntii lagu soo afjaray heshiiskaa.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii uu siyaasiga Xasan Gaafaadhi oo hore hoggaamiyay urur-siyaadeedkii hadhay ee RAYS ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay jagada guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbal-xaakimka Kulmiye, isagoo ku dooday in aannu jirin wax sharci ah oo ka horjoogsanaya inuu tartamo, wuxuuna dhawaaqa Xasan Gaafaadhi rajo geliyay siyaasiyiin hore candhiiftooda uga liqay loolan ay muddo dheer ka dhexwadeen xisbiga.

Sidoo kale dhawaaqa Xasan Gaafaadhi, wuxuu abuuray dareen siyaasadeed iyo su’aalo ka dhashay waxa lagaga xisaabtami karo ergooyinka shirka iminaya haddii aan ka hor xal loo helin siyaasiyiinta damaca iyo hunguriga sidan oo kale doonaya in ay kusoo dhextuuraan madasha shirweynaha oo aan hore loogu tala gelin, taas oo sababtay in in cadaadisyo lagu saaro Mr. Gaafaadhi sidii uu uga noqon lahaa dhawaaqa musharaxnimada si looga badbaado khilaaf siyaasadeed oo mar kale ka dhex abuurma xsibiga, iyadoo wararka iyo xoggaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in Mr. Xasan Gaafaadhi ka tanaasulay musharaxnimadii uu hore ugu dhawaaqay saacadii u danbeeyay kadib wadahadalo saacado badan qaatay oo dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Hogaanka Xisbiga iyo musharaxaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *