London(Araweelo News Network)Shirkadda ugu caansan shirkaddaha Xawaaladaha lacagaha Afrika Dahabshiil iyo Bankiga caalamiga ah ee Barclays Bank oo ku yaal dalka Britain ayaa si wada jir ah u gaadhay
heshiis oo meesha ka saaraya dacwaddii dhinaca maxkmadda ee labada dhinac u dhaxaysay.
Sida ku xusan warsaxaafadeed ay Shirkadda Dahabshiil soo saaratay, qodobada heshiiskan oo ka dhacay London, waxaa ka mid ah in la helo muddo kumeel gaadh ah oo shirkadda Dahabshiil fursad loo siiyo inay xidhiidhkii macaamil ee ay la lahayd Baanka Barclays, ay ku raadsato adeegyo kale oo u bedala macaamilkii baankaas.
Agaasimaha Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale (Dahabshiil) oo ah agaasimaha shirkaddaasi ayaa waraysi uu siiyay Idaacada VOA-da ku sheegay in hawlihii shirkadda Dahabshiil ay si caadi ah u socon doonaan, isla markaana ay macaamiisha shirkaddu si caadi ah u heli doonaan adeegyadii ay shirkaddu u qaban jirtay.
Waraysiga Agaasimaha shirkadda Dahabshiil oo dhamaystiran ka dhegayso Halkan Riix