-
Published On: Thu, Apr 21st, 2011

Shirkada Telesom Oo Markii U Horaysay Si Adag Ugu Hadashay Aragtidooda Ku Waajahan Xeerka Isgaadhsiinta Ee Golaha Wakiiladu Ansixiyay, xidhiidhka Ka Dhexeeya Dalcom Iyo Somcable

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) Shirkada Isgaadhsiinta Telesom ayaa markii u horaysay si rasmi ah shaaca uga qaaday aragtideeda ku waajahan xeerka isgaadhsiinta qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ansixyeen iyo mawqifkooda ku waajahan Kaybalka badda hoos mara ee xukuumaddu siisay shirkadda Somcable.

 

 

Warsaxaafadeed shirkadda telesom maanta ka soo saartay xarunteeda dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in shirkadda telesom aaminsan tahay in xeerkaasi ka soo horjeedo qodobada mabaadii’da guud ee dastuurka Somaliland, sidaa darteedna uu yahay mid qayrul-sharci ah oo loo baahan yahay in golaha guurtida iyo madaxtooyaddu sixitaan ku sameeyaan, isla markaana ku saleeyaan qodobada dastuurka qaranka.
Warsaxaafadeedka shirkadda telesom soo saartay oo uu saxaafadda u akhriyey Mr. Cabdiwahaab Maax oo dhinacyo baddan  taabanaya, isla markaana ay kaga hadleen eedaha la xidhiidha in shirkadoodu aanay bixin cashuurta dawladda ee ku waajibtay iyo xidhiidhka la sheegay inuu ka dhexeeyo iyaga iyo shirkadda Dalcom ee loolanka adag kula jirta shirkadda kale ee Somcable waxa isaga oo faahfaahsan uu u qornaa sidan:-
“Annaga oo tixraacayna xeerkii Isgaadhsiinta ee Golaha Wakiilada JSL uu ansixiyay 10 April, 2011 Xeer Lam: 50/2011, waxanu idiinku soo gudbinaynaa aragtida shirkadda Telesom ee ku wajahan xeerkaasi, oo ummadda Somaliland gudo iyo dibadba ka dhex abuuray dood iyo muran xoog leh. Waxa kale oo doodda xeerkaasi raacay dacaayado iyo odhaaho lagu meelmarsanayo xeerka, laguna maran habaabinayo ummadda, kuwaasi oo ah cidda xeerkan ka soo horjeeda waxay ka soo horjeedaan cashuuraha dalka, isku-xidhka Shirkadaha iyo waxyaabo kale.
Haddaba, waxanu war-saxaafadeedkan ku caddeynaynaa shirkad ahaan aragtida aanu ka qabno Xeerka Isgaadhsiinta iyo arrimaha kale ee la xidhiidha.
XEERKA ISGAADHSIINTA
Shirkad ahaan markii aanu daraasaynay; isla markaana u eegnay xeerkan cusub ee Isgaadhsiinta, lana akhrinay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxan aragnay in uu si toos ah u jebinayo mabaadiida Guud iyo qodobada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka 3aad, xubinta 19aad iyo 20aad ee Xeerka Isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu qoondayn gaar ah (kooto) ku siinayaa qaar ka mid ah adeegyada Isgaadhsiinta ee xorta ah cid gaar ah, waana arrin ka soo horjeeda Qodobka 11-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ballanqaadaya suuq xor ah iyo tartan madax bannaan.
Cutubka 3aad ee Xeerka Isgaadhsiinta, oo ka hadlaya Komishanka Isgaadhsiinta ee Qaranka, oo ujeedadiisu ahayd in uu dhaqangeliyo xeerkan, ayaa waxa laga dhigay mid uu magacaabo, la xisaabtamo, isla markaana hoos yimaadda Wasiirka Isgaadhsiinta. Arrintaasina waxay toos uga horimanaysaa Qodobada 90aad iyo 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo tilmaamaya in komishanada iyo hay’adaha madaxa madax bannaan uu soo magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, lana xisaabtamayo. Ujeedadada iyo awoodaha Komishanku waxay ahayd in uu noqdo mid madax bannaan oo si caddalaad ah ugu garsoora dhinacyada Isgaadhsiinta ku wada jira, sida Shirkadaha Isgaadhsiinta, Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Macaamiisha. Sidaas darteed, komishan hoosaad ka mid ah Wasaaradda Isgaadhsiintu (sida xeerkan lagu dhisay) ma gudan karo hawshaasi.
Cutubka 1aad ee Xeerka Isgaadhsiintu, wuxu tilmaamayaa in erey kasta ama weedh kasta oo aan lagu qeexin Xeerkan ay fasiri doonto Wasaaaradda Isgaadhsiintu. Arrintaasina waxay ka horimanaysaa qodobka 98aad, xubintiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo awood gaar ah u siinaya Garsoorka in ay tarjumaan xeerarka iyo shuruucda dalka.
Cutubka 2aad, Qod. 3aad, xubinta 18aad waxa lagu tilmaamay in dowladdu ka masuul tahay, isla markaana yeelato qalabka Isgaadhsiinta, cidda ay doontana u igmato. Arrintaasina waxay toos uga horimanaysaa Qod. 11aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, oo tilmaamaya mabaadiida suuqa xorta ah. Waxa kale oo ay ka horimanaysaa xaqa lahaanshaha gaarka ah iyo tartanka suuqa ee xorta ah.
Qodobka 48aad, xubinta 3aad ee Xeerka Isgaadhsiintu wuxu sheegayaa in Wasiirka Isgaadhsiintu jaangoynayo qiimaha isku-xidhka Shirkaddaha.  Qodobkaasina waa mid si toos ah uga horimanaya mabaadiida Shareecada islaamka iyo dastuurka JSL.
Golaha Wakiilada ee ansixiyay xeerkani waxay si indho la’aan ah uga tirtireen qodobadii sheegayay tartanka xorta ah iyo waafajinta dastuurka ee madaxweynuhu ku caddeeyay lifaaqii uu ku soo daray xeerkan (sida Qod. 2aad, xubinta 3aad iyo 4aad ee Xeerka la ansixiyay iyo Qod. 1aad, xubintiisa 3aad iyo 4aad ee Xeerka qabyada ah ee madaxweynuhu soo gudbiyay).
Haddaba, marka aan eegno dhammaan qodobada aan soo sheegnay iyo kuwo kale oo xeerkan la ansixiyay ku jira miyaanay noqonayn indho la’aan, marin habaabin iyo ku tumasho sharcigii wadanka u yaallay ee ummaddu ay ku heshiisay.
Haddaba, Telesom iyo muwaadiniinta Somaliland uma arkaan in ay tahay dow:
a.    In la meelmariyo xeer jidaynaya in qalabka Isgaadhsiinta (nooca uu doono ha ahaadee) ay yeelato, lana wareegto dowladdu, taasina waxay ka soo horjeedaa xaqii lahaanshaha.
b.    In Wasiirka Isgaadhsiintu sheegto in uu gooyo qiimaha suuqa.
c.    In la abuuro komishan aan madax bannaani lahayn, oo ka tirsan wasaaradda. Mana aha mid ummadda iyo shirkadaha u garsoori kara. Isla markaana, ilaalin kara xuquuqda Macaamiisha.
d.    In la hor istaago tartanka iyo suuqa xorta ah.
ARRINTA CABLE-KA FIBER OPTIC:
Marka laga yimaado Xeerka Isgaadhsiinta, arrimaha kale ee la dhex geliyay waxa ka mid ah Telesom waxay ka soo horjeedaa Cable-ka, arrintaasi oo ah been-abuur aan waxba ka jirin. Haddaba waxaanu jecelahay in aanu tilmaano waa maxay cable-kan laga hadlayaa?
Cable-ka Fiber Optic-gu waa nidaam Isgaadhsiineed, oo ku salaysan xadhkaha loo yaqaaano Fiber Optic (ama Miiqa danabka xambaara), oo ah waayiro loogu talogalay in lagu xambaaro macluumaadka Isgaadhsiinta (Ha noqoto internet, telefoon, iwm).
Waxa jira Cable Fiber Optic Caalami ah oo isku xidha qaaradaha, kaasi oo mara badaha hoostooda. Haddaba, ma jirto wax lug ah oo shirkadda Telesom ku leedahay dhinacyada isku haya Cable-ka Fiber Optic-ga Caalamiga ah ee Badda hoosteeda mara ee Somaliland la keenayo. Waanay soo dhoweynaysaa dhinackasta oo ku guuleysta, ha noqoto Somcable, ha noqoto Dalkom ama shirkad kale. Sidoo kale, shirkad ahaan ma jirto damac naga haya in aanu wadanka keeno cable-ka badda hoos mara. Taasina waxa caddeynaya in Shirkadda Telesom toos ugu qortay Maamulka Somcable waraaq rasmi ah  22 June, 2010, oo tilmaamaysa in ay macmiil u noqon doonto Somcable haddii ay keento wadanka. Waraaqdaasi oo ka mid ahayd shuruudihii lagu xidhay Somcable in ay caddayso cidda macmiil u noqonaysa.
CASHUURAHA
Waxyaabaha dadka lagu beerlaxowsado, isla markaana qiil looga dhigtay in la meelmariyo xeerkan isgaadhsiinta ee aan ka soo hadalay sida uu ugu tuntay Dastuurkii JSL, waxa ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiintu waxay diidan yihiin in ay bixiyaan Cashuurta.
Arrintan si aan u caddeynayo, horta ma jiro xidhiidh ka dhaxeeya Xeerka Isgaadhsiinta iyo Cashuuraha. Waana laba arrimood oo kala duwan sharci ahaan. Cashuurtana waxa lagu soo saaraa tacriifad (sida ku cad Qod. 54aad, faq. 1aad ee Dastuurka JSL).
Telesom waxay caddeynaysaa in ay tahay cashuur bixiyaha ugu weyn wadanka. Lagama soo helayo rikoodhka dowladda wax cashuur ah oo ku baaqday Shirkadda Telesom, taasina waxa kuu caddeynaya in Dowladdu ka reebtay  shirkadda Telesom kulankii loogu yeedhay ganacstada wadanka sidii ay cashuurta u bixin lahaayeen; maadaama aanay jirin wax cashuur ah oo ku baaqatay shirkadda Telesom.
Shirkadda Telesom waxay si toos ah u bixisaa dhammaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay (sida cashuuraha macaashal-macaashka (Income tax), cashuuraha iibka (sales tax), cashuuraha biilasha (billing tax), ruqsadda (license), cashuurta kirada taawarada (towers), cashuuraha qalabka shirkaddu soo iibsato, cashuurta shaqaalaha (payroll tax),cashuuraha dowladaha hoose (municipality taxes), iwm).
Waxanu diyaar u nahay in aanu soo bandhigno dhammaan dhukumentiyadda aanu cashuuraha ku bixino ciddii nooga baahata.
ISKU-XIDHKA SHIRKADAHA
Shirkadda Telesom diyaar ayay u tahay in la isku xidho dhammaan Shirkadaha Isgaadhsiinta. Arrintaasina waxa muddooyinkan u dambeeyay wadahadal uga socday Shirkadaha Isgaadhsiinta. Telesom ahaana waxanu hirgelinay Tijaabinta farsamo ee qaabka Isku-xidhka oo hadda diyaar ah.
Waxase aanu ka soo horjeednaa in la yidhaahdo Wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa goynaysa qiimaha, waana arrin khilaafsan Shareecada Islaamka, Dastuurka JSL, shuruucda hay’adda Isgaadhsiinta Caalamiga ah ee ITU, Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO.
Telesom waxay dhiirigelinaysaa in shirkadaha isgaadhsiintu  ka wada hadlaan, kana heshiiyaan qiimaha dhexdooda ee Macaamiishu ku wada hadlayso.
GABO-GABO:
Waxa inoo muuqatay in Xeerkan Isgaadhsiintu yahay mid jebiyay qodobo door ah oo ka mid ah dastuurka JSL, isla markaana ka soo horjeeda tartanka iyo mabaadiida suuqa xorta ah. Waxa kale oo xeerkani uu niyadjebinayaa maalgashiga Caalamiga ah, ee wadanku aad ugu baahan yahay, isaga oo ka horimanaya xeerarka iyo shuruucda Caalamiga ah ee Isgaadhsiinta iyo kuwa ganacsiga xorta ah.
Haddaba, waxanu u soo jeedinaynaa Golaha Guurtida iyo Madaxweynaha in ay ka fiirsadaan meelmarinta Xeerkan, isla markaana si masuuliyad iyo wadannimo ku dheehan tahay u eegaan, una waafajiyaan Dastuurka iyo xeerarka u yaalla Qaranka Somaliland, isla markaana laga talogeliyo daneeyayaasha sharcigan sida  shirkadaha Isgaadhsiinta, dadweynaha, ururada bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanada.
Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa Aqoonyahanka, Waxgaradka, Culimada iyo dhammaan bulshada Somaliland in ay xeerkaasi akhriyaan oo ay fahmaan dhibka dhaqaale ee uu u keeni karo bulshada iyo muranada ganacsi ee uu wadanka gelin karo.” Ayaa lagu soo gebagebeeyay qoraal saxaafadeedkaa shirkadda telesom.
Dhinaca kale shirkadda telesom oo la weydiiyay eedo dhowaan wasiir ku xigeenka maaliyada Somaliland ku sheegay inay ku baaqato sannad kasta $26Mly oo dollar , ayaa ku tilmaantay arrintaa mid aan waxba ka jirin oo aanay waxba kala socon hadalka wasiir ku xigeenka, waxayna miiska soo dhigeen qoraalo ay sheegeen inay yihiin kuwii ay ku bixiyeen lacagta cashuurta.
Sidoo kale shirkadda Telesom oo la weydiiyay inay ka mid tahay shirkaddaha macaashka ugu waaweyn ku helay bulshada , balse aanay waxba ku celin, isla markaana lagu eedeeyo inay hormood u tahay shirkado aan doonayn inay Somaliland ka hirgasho dawlad adag oo awood u yeelata inay shirkadaha waaweyn iyo ganacsatadu bixiyaan cashuurta ku waajibtay. laakiin masuuliyiinta shirkada ayaa arrintaa waxba kama jiraan ka dhigay, waxayna sheegeen inay sannad walba adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada u qorsheeyaan lacag gaadhay hal milyan oo dolar. sidoo kalena ay ka qaybqaataan gurmadka  dhibaatooyinka soo waajaha bulshada. waqtigana ay diyaar u yihiin inay doorkooda ka qaataan horumarka dalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>