Muqdisho(ANN) Hogaamiyaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif ayaa sheegay in la ilaawi karin inay Somaliland  qayb weyn ku lahayd  xoreynta waqtigii gumaysiga iyo midnimadii Soomaali weyn.  Sidoo kale Sheekh Shriif  wuxuu xusay  inay  Somaliland ka hirgeliyeen

deegaannadooda horumar dhinaca nabadda iyo siyaasadda ah taas oo aan la dafiri karin ayuu yidhi.
“Dowladda KMG ah waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u saarto guddi si wadahadal loola billaabi lahaa walaalaheen Somaliland, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadda billaabatay,” ayuu yidhi Shariif Sheek Axmed.oo maanta ka hadlayay munaasibada maalinta haweenka ee 8 March oo lagu xusay Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in dawladda KMG ah ay ka shaqeynayso burburinta maamullada dalka ka jira, balse wuxuu sheegay inay taageerayso DKMG ah horumarka iyo midnimadooda, isagoo sheegay inay u haystaan inay tahay guul ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.
Sidoo kale, Shariif Sheekh wuxuu sheegay in dowladda KMG ah aanay  albabbada ka laabanayn dadka cabashada qaba, balse ay u furayso cid walba oo wax tabanaysa, waajibna ay ku tahay inay raadiso dawladu  fursad lagu mideyn karo Soomaaliya oo dhan, ayuu ku dooday, isagoo arrintaa ka hadlayanaya wuxuu yidhi, “Baryahaan waxaa suuqa aad ugu jiray dowladdu waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso Somaliland inay burburso Puntland taasna waxba kama jiraan, Annagu waxaan u arkaynay soo dhaweynta Khaatumo State arrin dan Soomaaliyeed ku jirto, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiyo nabadna lagu wada noolaado, taasna waan kala hadalnay walaalaheen in dowladdu aysan waxba bur-burinayn balse ay wax dhisayso,” ayuu yidhi Shiikh Shariif .
Madaxweynaha Soomaaliya ee taagta daran ayaa hadalkaa ka sheegay xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da March  oo ka dhacday  magaalada Muqdisho, isagoo munaasibadaa ammaan uga  jeediyay haweenka iyo doorka ay kaga jiraan horumarinta bulshada
Araweelonews  Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *