Hargeysa(Araweelo News Network)Safiirka Somaliland Ee Dalka Kenya Maxamuud Jaamac Sifir Ayaa Dalka Keenay Wafti Ka Socda Wasaaradda Arimaha Debada Kenya, kuwaas
oo Somaliland sidii ay uga furan lahaayeen Hargeysa Safaarad Uu Dalka Kenya Ku Yeelan Doono Somaliland, Weftigan Uu Horkacayo Safiirku Ayaa Maanta Ka Soo Dagay Maraadka Cigaal Ee Hargeysa.
Waftigan Ayaa La Filayaa Inay Maal Maha Soo Socda La Kulmi Doonaan Madaxweynaha Somaliland, Hase Yeeshee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Ayaan ilaa hadda wax war ah ka Soo Saarin Arintaas.
Dawlada Kenya ayaa hore u Shaacisay Inay Somalilanad Ka Furan Doonto Safaarad, taas oo xukuumadda Somaliland ka aqbashay, islamarkaasina lagu shaaciyay shirkii gola wasiirada ee isbuucii tegey,
Kenya ayaa danaynaysa xidhiidh dublo maasiyadeed oo ay la yeelato Somaliland waxayna xafiiskan ku magcawday xarun dhinaca dublomaasiyada ah oo ay ku yeelanayso Somaliland, waxayna tani qayb ka tahay adkaynta hawlaha amaanka ee dalka kenya ka wado wadamada jaarka la ah, iyadoo taniyo intii ay gudaha u soo gashay dalka aynu deriska nahay ee Somaliya oo ay geysay ciidamo nabad ilaalin ah oo qayb ka ah ciidamada AMISOM, waxay Kenya hadal haysay sidii ay somaliland ula yeelanlahayd xidhiidh dhow waxayna wadahadalo kula jirtay safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Maxamuud Jaamac Sifir oo dedaal ugalay sidii safaaradan loo keeni lahaa Somaliland.