Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu maalinta beri safarkiisii u horeeyay, tan iyo markii uu xilka la wareegay July 2010 debeda ugu baxo, isagoo booqasho ugu baxaya dalalka jaaraka, isla markaana
socdaalkiisa ka bilaabaya Djibouti.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan safarka Madaxweynaha oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda, balse sida ay shebekada Araweelonews u xaqiijiyeen warar ku dhow dhow qasriga madaxtooyada, wuxuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo safarkaa oo la filayo inay ku wehelin doonnaan xubno ka mida Golaha Wasiiradiisa, isagoo kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Djibouti iyo dublamaasiyiin ku sugan dalkaa.
Inkasta oo ay wararka qaar sheegayaan inuu safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tegayo dalka Djibouti, hadana waxa jira warar sheegaya inuu u dhaafi doono halkaa dalalka Ethiopia iyo Kenya, kuwaas oo uu qaarkood horeba uga haystay martiqaad casuumad ay u fidiyeen xiligii uu ku guulaystay doorashada Madaxtooyada Somaliland, iyadoo la filayo inuu Madaxweynuhu ka hor inta aanu ka dhoofin dalka ka qaybgeleyo munaasibada sanad guuradii 17aad ee aasaaska ciidanka Bilayska Somaliland oo la xusayo. Si kastaba ha ahaatee safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka dibediisa ugu baxayo, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu dalka dibediisa ugu baxo tan iyo mudadii uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Daahir Rayaale ee uu doorashadii madaxtooyada kaga guulaystay 26, Jun 2010.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380